Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya oo Xoogga Lagu Saarayo Wadahadallo Ka Furmay Turkiga

Image

ANKARA - Ilo-diplomaasiyadeed oo xog ogaal ah ayaa sheegay in wadahadallada farsamo ee shalay ka dhacay Ankara lagu gaarey go'aanno wadajir ah, oo lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii 11-kii December 2024 Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ku gaareen Turkiga.

Wareegga xiga ee wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, oo uu dhex-dhexaadinayo Turki, ay dhici doonaan bisha Maarso ee sanadkan 2025. Wadahadalladan ayaa la filayaa inay sii xoojiyaan xiriirka labada dal iyo dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo arrimaha khilaafaadka iyo xiisadda gobolka.

Wadahadalkii ugu horeeyay oo ka dhacay magaalada Ankara Talaadadii shalay, ayaa labada wafuuda Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen heshiiskii Ankara, kaas oo diiradda lagu saarayo sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka ka dhex jira labada dal. Wadahadalladaasi waxaa lagu tilmaamay in ay ku dhaceen "jawiga wanaagsan," waxaana labada dhinac ay muujiyeen diyaar-garow iyo niyad wanaagsan oo ku aaddan sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashiga dhaqaale, amni, iyo siyaasadeed.

Madaxweynaha Turki, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa 11-kii Diseembar 2024 ku dhawaaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaareen heshiis looga gol leeyahay in lagu dhameeyo xiisadaha ka dhex jiray labada dal, iyada oo la xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha, amniga, iyo siyaasadda.

Heshiiska ayaa sidoo kale waxaa uu salka ku hayaa in labada dal ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa arrimaha amniga ee gobolka, gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo kan gobolka.

Dhinaca kale, warbixinnada ayaa sheegaya in wadahadallada Ankara ee qabsoomay shalay lagu soo gabagabeeyey heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga ganacsiga iyo xiriirka bulshada, iyadoo la rajeynayo in labada dal ay sameeyaan iskaashi dheeraad ah.

Waxaa la filayaa in wadahadallada dambe ee bisha Maarso ay noqon doonaan kuwa muhiim ah, kuwaas oo laga yaabo inay dhisaan mustaqbalka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, oo muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Turkiga ayaa dano ganasi ka leh labada dal, oo maalgashi ku sameeyay, waxaana sidoo kale muhiim u tahay heshiiskooda inuu saameyn ku yeesho gobolka, oo ka socdo hadda loolan u dhaxeeyay reer Galbeedka iyo Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Dowladda Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dagaal kula jirta Puntland oo ah hooyada Federaalka dalka oo soo jirtay tan iyo 1998.

  • Soomaliya

    20-02-2025

  • 11:37AM

Maxaa kasoo baxay Shirka Soomaaliya iyo Itoobiya ku yeesheen Ankara?

Madaxweyne Erdogan ayaa ku guuleystay inuu heshiis dhex dhigo labada dal, oo mudo sanad ku dhaw isku hayay heshiiska Badda.

  • Soomaliya

    18-02-2025

  • 03:20PM