Hindiya oo baaritaan ku bilowday meydka haweeney Soomaali ah

Image
Haweeneyda geeriyootay ayaa waxa ay ku jirtay daryeel caafimaad isbitaal gaar loo leeyahay.

NEW DELHI, Hindiya - Haweeney Soomaali ah oo 35 jir ah ayaa meydkeeda laga helay suuliga guri ay daganeyd oo ku yaala waqooyiga magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Liibaan Cabdi Cali, oo ah saygeeda, ayaa lagu waramay in uu booliska u sheegay in xaaskiisa ugu dambeysay iyaddoo suuliga ku dhiig-baxaysa, kadibna uu u qaaday isbitaal kadibna lagu wargeliyey in ay geeriyootay.

Sidda ay muujinayaan macluumaadyada laga helay safarkooda, lamaanaha ayaa magaaladda Hyderabad ku tagay fiis caafimaad, iyagoo raadinaya daaweyn bacramin ah 21-kii Maarso.

Haweeneyda geeriyootay ayaa waxa ay ku jirtay daryeel caafimaad isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala Secunderabad oo ah magaalada mataanaha la ah Hyderabad.

"Booliska Banjara Hills ayaa kiiska u diiwaan galiyay inuu yahay geeri laga shakiyay sida uu dhigayo qodobka 174 ee xeerka ciqaabta Hindiya," ayaa laga soo xigtey sarkaal qariyay magaciisa.

Sarkaalka oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah, meydka haweeneyda ayaa loo qaadey isbitaalka guud ee Cismaaniya, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo waxa sababay dhimashada.

Cisbitaalka Guud ee Osmania (OGH) waa mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ugu da'da weyn India, kuna yaala Afzal Gunj, Hyderabad, waxaana horey loo geeyay kiisas noocaan oo kale oo baaritaanada lagu sameeyay lagu guuleystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM