HirShabelle oo mar kale ku hagoogatay kursiga Fahad Yaasiin

Image
Maamulka Guudlaawe ayaa dalbaday Guddiga doorashooyinka heer federaal iney fasaxaan kursiga HOP086.

JOWHAR, HirShabelle – Madaxtooyada maamulka HirShabeelle ayaa ku hagoogatay oo taageero xooggan u muujisay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo weli kursigiisa HOP086 uu ka xayiran yahay dhanka guddiga doorashada heer federaal (FEIT).

HirShabeelle ayaa dalbatay ka dalbatay Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka.

Qoraalka HirShabeelle ayaa yimid saacado kadib markii Guddiga doorashooyinka heer federaal uu xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, halka uu go’aamiyey in lagu laabto doorashada HOP154, balse aanu soo hadal qaadin kursiga Fahad ee HOP086.

Qoraalka madaxtooya Hirshabeelle ayaa sidaan u qornaa.

Ujeedo: Fasixid si shuruud la’aan ah kursiga HOP086.

Dowladda Hirshabelle waxay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowladda Hirshabeelle.

Dowladda Hirshabelle waxay caddeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah.

Dowladda Hirshabelle waxay ka digeysaa tallaabooyinka ay Gudiga FEIT ku xagal daacinayaan dhameystirka doorashooyinka dalka.

Dowladda Hirshabelle waxay caddeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac khaldan ah, balse loo heysto dano siyaasadeed, taasina waxaa caddeyn u ah in Guddiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay, iyadoo aysan jirin wax habraac khaldan ah oo la saxay, arrintuna ay tahay anigaa qabsaday, anigaana fasaxay, taasoo muujineyso kutakrifal awoodeed.

Uga dambayn Dowladda Hirshabelle waxay ugu baaqaysaa Guddiga FEIT inay fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran, si looga fogaado wax kasta oo dib u dhac u keeni karo doorashada dalka.


GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM