Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Dhimirka Xabeeb

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa gaarsiisay Deeq kala duwan oo ka kooban raashiin isugu jira Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Timir Isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiyaha hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan kaasi oo faafaahin kabixiyay deeqda ay gaarsiiyeen isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb isagoo tilmaamay deeqdan ay qeyb katahay barnaamijka taakuleynta iyo afurinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba maadaama lagu guda jiro bisha ramadaan oo uu jiro sicir barar baahsan oo dhanka raashinaka qutul daruuriga.

Cabdiraxmaan Cali Cawaale Dr Xabeeb madaxa isbitaalka dhimirka oo deeqda gudoomay ayaa uga mahad celiyay hay’ada Hormuud Salaam Foundation caawinaada ay soo gaarsiiyeen, isagoo tilmaamay in mar waliba sidan oo kale ay caawin uga helaan marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee xafiiska raysal wasaaraha Maryan Aadan Amiin oo iyana goobta kahadashay ayaa timaamtay in deeqda hay’ada Samafal ee Hormuud Salaam Foundation ay muhiimad gaar ah u leedahay dhibanayaasha isugu jira raga iyo dumarka ku xareesan isbitaalka dhimirka ee Dr xabeeb.

Barnaamijka lagu taakuleynayo dadka danta yar ayaa Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan, iyadoo madaxda hay’ada ay balanqaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax u qabashada dadka danta yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM