Hormuud Telecom: Horseedka Kobaca Suuqa Dhijitaalka Soomaaliya 

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa fariin muhiim ah ku baahisay barteeda X [Ex-Twitter], iyadoo sheegtay in doorkeeda hal-abuurka leh ee suuqa dhijitaalka ah uu horumar weyn kusoo kordhiyay Soomaaliya. Inkasta oo isbeddelada tiknoolajiyadeed ay si xawli ah u socdaan, haddana Shirkadda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto balan-qaadkeeda isku xiridda shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya maanta waxa ay noqotay meel dunida indhaha ku hayso, oo suuqeeda Dhijitaalka soo jiidanayo Shirkado caalami ah, taas oo ka tarjumaysa rajo, horumar, iyo iftiin u bidhaamaya mustaqbalka wanaagsan ee dalka. Hormuud Telecom waxay tilmaantay inay aaminsan tahay in suuq furan oo tartan leh uu muhiim u yahay horumarka dalka. 

"Waxaan aaminsannahay in suuq caafimaad qaba uu yahay mid furan, tartan leh, isla markaana loo siman yahay uu xoojinayo horumarka waara ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka Shirkadda.

Hormuud Telecom, oo ah shirkadda ugu weyn ee gaar loo leeyahay ee ka hawlgasha Soomaaliya, waxay hogaamineysaa adeegyada isgaarsiinta iyo dhijitaalka ee casriga ah, iyadoo dadka Soomaaliyeed gaarsiisay adeegyo casri ah oo laga helo miyi iyo magaalo. Adeegyada shirkadda, oo ay kamid yihiin lacag-dirista Taleefanka iyo adeegyada internet-ka, ayaa door muhiim ah ka qaatay horumarinta waxbarashada iyo kobcinta ganacsiga dalka.

Hormuud Telecom waxaa lagu ammaanaa inay xal u noqotay caqabadaha bulshada Soomaaliyeed ee dhinacyada isgaarsiinta, internet-ka, iyo lacag-dirista gudaha iyo dibadda, iyadoo mar walba bixineysa adeegyo la isku halleyn karo oo gaarsiisan meel kasta.

Tan iyo markii la aasaasay 2002, Hormuud Telecom waxay door muhiim ah ka qaadatay dhismaha kaabeyaasha dhijitaalka ah ee dalka. Maanta, shirkaddu waxay si weyn ugu hormarsan tahay kuwa ka jira wadamada deriska ah iyo kuwa ka baxsan marka laga hadlayo adeegyada internet-ka xawaare sare leh iyo isgaarsiinta qiimaha jaban.

Hormuud Telecom oo ku kasbatay quluubta shacabka kalsooni iyo taageero, ayaa si dhab ah uga mid noqotay sheekooyinka guulaha ee Soomaaliya. Shirkaddan waxay sidoo kale noqotay hormuudka shaqo-abuurka kumanaan kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo si joogto ah u abuurta fursado shaqo oo muhiim ah.

Hormuud Telecom — Shirkad Soomaali ah, oo shacabka Soomaaliyeed u adeegta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM