Howlgelinta Ilaalada Xeebaha Boliiska ee amniga Badda Soomaaliya oo laga shiray

Image
Xubnahan waxaa qeyb ka ahaa Madaxa Xafiiska Maalgelinta ee Bariga iyo Koonfurta Afrika Mrs Sabrina BAZZANELLA.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madax ka socotay Midowga Yurub ayaa maanta booqasho rasmi ku yimid Xarunta Ilaalada Xeebaha ee Boliiska ee magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay Taliyaha Ilaalada Xeebaha Boliiska G/Sare, Bashiir Cabdi Qaasim.

Xubnahan oo kala ahaa Madaxa Xafiiska Maalgelinta ee Bariga iyo Koonfurta Afrika Mrs Sabrina BAZZANELLA iyo Wakiilka Sare ee ku xigeenka Yurub ee Soomaaliya ayaa u kuur galayay mashaariicda ay taageerto Xafiiska Maalgelinta Shisheeyee iyo sahminta hindisayaasha lagu kobcinayo awoodda hawlgelinta Ilaaladaba Xeebaha Boliiska ee amniga Badda Soomaaliya.

Sidoo kale, khubaro dhanka badda ah oo ka socday Midowga Yurub iyo wakiillo muhiim ah oo ka socda Ergada Midowga Yurub Somalia (EUCAP), Xafiiska Qaramada Midoobay ee adeegayada Mashaariicda (UNOPS), iyo hay’adaha kale ayaa sidoo kale booqday xarunta Xarunta Ilaalada Xeebaha ee Booliiska ee magaalada Muqdisho.

Waxeyna diirada saarayeen horumarka mashaariicda la dhammaystiray iyo fursadaha cusub in looga faa'ideysto, si loo sii xoojiyo awoodaha hawlgelinta Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM