Hubka ciidamada DF oo suuqyada Muqdisho lagu iibinayo

Image

October 13, 2014 (GO)- Gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa warbixin cusub oo dhowaan soo saareen ku sheegay in hubka iyo rasaasta ciidamada Dowladda Federaalka si aan qarsoodi ahayn loogu iibiyo suuqyada, iyadoo dowladdu horay u balan qaaday inay ka hortegeyso in hubku si hoose gacanta ugu galo kooxaha xagjirka ah gaar ahaan Al-shabab.

Gudigan oo ka kooban sideed xubnood ayaa warbixintooda ku sheegay in Dowlada Federaalku dhanka xakameynta hubka iyo ilaalinta cuna-qabateynta hubka horumar kooban ka samaysay balse weli heerkii la doonayey aanay taasi gaaarsiisnayn.

"Dowlada Federaalku si buuxda hub ulama soo degin iyadoo dhowraysa khafiifintii Golaha Amaanku ku sameeyey cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia" sidaas waxaa lagu yiri warbixin sanadle ah oo gudigaasi soo saaray kana kooban 482 bog.

Go'aankii 15ka xubnood ee Golaha Amaanku ku gaareen bishii March ee sanadkii hore [2013] in la fududeeyo cuna-qabateynta hubka ee mudada labaatanka sano ka badan saarnayd Somalia wuxuu ahaa mid muran dhaliyey, inkastoo Maraykanku taageeray codsigii Dowlada Federaalka ee ahaa in laga khafiifiyo cuna-qabateynta si ay fursad ugu hesho dhismaha ciidamo xoog leh oo la dagaalama Al-shabab.

Sanadkan horaantiisii Golaha Amaanku wuxuu mudada la fududeeyey cuna-qabateynta hubka ee Somalia ku kordhiyey sideed bilood ah isla xiligaas wuxuu Goluhu farta ku fiiqay welwelka laga qabo suuragalnimada in hubka ciidamada dowladu gacanta u galo kooxda Al-shabab ee xariirka la leh Ururka Al-qacida. Dowlada Federaalku waxay horay u balan qaaday inay qaadayso tallaabooyin wax-ku-ool ah oo looga hortegayo in hubku gudbo.

Warbixinta cusub ee gudiga la socoshada cuna-qabateynta hubka Somalia iyo Eritrea u qaabilsan Qaramada Midoobay waxaa ku xusan in suuqyada Muqdisho lagu iibiyey tiro qoryaha darandooriga u dhaca ah oo Ethiopia bixisay kuwaasoo ku xereysnaa kaydka hubka ee xerada Xalane.

" cadaymo sawiro ah ayaan u haynaa in dhowr qori oo cusub noocooduna yahay 56-2 lagu arkay labo suuq oo Muqdisho ku yaalla intii u dhexeysey bilihii February ilaa April ee sanadkan 2014, qoryahaas oo leh calaamadda iyo lambarka sirta ah ee qoryihii lagu xereeyey kaydka hubka ee xerada Xaladane" 

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay inaan layska indho tiri karin in hubkaasi ka yimid kaydka hubka ee ciidamada Dowlada Federaalka ganacsatada hubkuna xaqiijiyeen in qoryaha laga keenay bakhaarada hubka lagu kaydiyo ee dowlada iyo weliba in Al-shabab qaar kamid ah hubkaas iibsatay. Sida warbixinta ku cad muuqaallada borobagaandada ah ee Al-shabab ayaa lagu daawaday xubno ka tirsan Al-shabab oo nadiifinaya qoryo cusub oo noocoodu yahay 56-2.

"Gudiga kormeerka cuna-qabateynta waxaa u cadaatay in hubkaas si sharci darro u iibsadeen saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Somaliya iyagoo ka faa'iideysanaya isla xisaabtan la'aanta ka dhex jirta guutooyinka ciidanka, amase in hubkaas si hoose u gudbiyeen saraakiisha sare ee ciidamada qalabka sida iyagoo adeegsanaya dukumiintiyo been abuur ah si ay hubka la xaday uga dhigaan mid lumay..." warbixinta ayaa sidaas lagu yiri.

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkii hore, markaas oo la khafiifiyey cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia, Dowlada Federaalku waxay dalka dibadiisa kala timid hub isugu jira  in ka badan 13,000 oo qori iyo ku dhowaad 5.5 milyan oo xabo oo rasaas ah.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1992 Somalia kusoo rogey cuna-qabateyn dhanka hubka ah kadib markii la ridey dowladii militeriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey dalkuna galay marxalad adag iyo dagaale sokeeye oo qab-qableyaashii dagaalku horseed ka ahaayeen.

Xigasho: Reuters

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN: Ugu yaraan 1,500 ayaa qarax ugu dhintay gudaha Soomaaliya 2023-kii

Warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay tirokoobkan.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 04:14PM

Deni oo baaq u diray madaxda Dowladda federaalka iyo maamulada

Furitaanka Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC) ayuu hadalkan ka sheegay.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 12:40PM