IGAD oo qayb ka ah dadaalada lagu dhex dhexaadinayo madaxda DFS

Image

November 5, 2014 (GO)- Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho si uu qayb uga noqdo dadaalada la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Danjire Afey oo khadka telefoonka ugu waramay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in IGAD ka walaacsan tahay in loolanka siyaasadeed ee Muqdisho ka socdaa caqabad ku noqdo horumarka laga sameyey dhanka ammaanka kadib mudo labaatan sano ka badan oo dalku xasilooni dorro ku jirey.

"IGAD iyadaa soo barbaarisay horumarka Soomaaliya ka samaysay dhanka nabada kadib labaatan sano oo dagaalo sokeeye dhacayeen. Aad baan uga walaacsanahay in loolanka siyaasadeed ee jiraa caqabad ku noqdo horumarka Soomaaliya gaartey..." Afey ayaa sidaa yiri.

Dhanka kale Danjiraha IGAD ee Soomaaliya wuxuu sheegay inuu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari isagoo xusay inay isku afgarteen isu aragtina ka yihiin in khilaafka jira si dhaqso ah xal looga gaaro iyadoo loo marayo dhabaha wada hadalka.

Khilaafka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed oo soo shaac baxay bishii (October), wuxuu kusoo aadayaa xilli Dowladda Federaalka horyaalaan hawlo badan, kuwaasoo ugu muhiimsan yihiin dhameystirka dastuurka iyo dhismaha maamullada kamid noqonaya Dowlada Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM