Ilaalada wasiir oo ku dhaawacay madaafiic lagu garaacay Muqdisho

Image
Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay weerarada noocaan ah ee horey uga dhacay caasimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya — Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen madaafiic xalay lagu garaacay qaybo kamid ah caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo amni iyo caafimaad.

Sidda ay warbixinadda muujinayaan, qaar kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan xaafad lagu magacaabo 15—May oo ammaankeeda aad loo adkeeyo.

Warar madax-banaan waxay tibaaxayaan in hal madfac uu ku habsadey guriga wasiirka batroolka Soomaaliya ayna ku dhaawacmeen saddex kamid ah waardiyeyaashiisa oo kuwada sugnaa banaanka hoyga mas’uulkan.

"Saddexda qof ee guud ahaan kuwada dhaawacantey weerarkan waa ilaaladda wasiirka. Xaaladooda hadda way wanaagsan tahay. Ma jirto waxyeelo soo gaartey wasiirka wuu wanaagsan yahay," ayuu yiri sarkaal dhinaca amniga.

Sarkaalka ayaa ka gaabsadey in uu kala caddeeyo haddii wasiirka uu waqtigaas ku sugnaa guriga iyo in kale. Isku-dayo madax-banaan oo lagu xaqiijin karay in wasiirka uu xilligaas ku sugnaa guriga ayaan guuleysan.

Ma jirto koox illaa haatan sheegatay mas’uuliyadda falkan. Hase ahaatee, dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa looga bartey falalka noocaan ah ee horey uga dhacay magaala madaxda.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu todobaadii hore ku dhaawacay in ciidamo lagu soo tababaray Uganda ay la wareegayaan amniga Muqdisho lana mamnuucay hubka culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM