In ka badan 100 Xildhibaan oo diiday go'aanka Abiib looga saarey Baarlamaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 100 xildhibaan ayaa si adag u cambaareeyay xasaanad ka qaadista xildhibaan Cabdullaahi Abiib, iyagoo ku tilmaamay go'aanka Guddoomiyaha Shacabka inuu yahay mid ka dhan ah dastuurka dalka, waana ku takri-falay awoodeed.

Xildhibaannadu waxay ku doodayaan in tallaabadaasi ay jebinayso xeerarka sharciga Soomaaliya, isla markaana dhaawac u geysaneyso dadaallada dib u dhiska hay'adaha dowliga ee ka jira dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu sabtidii hore soo saaray amarka ka saarista Cabdullaahi Abib Baarlamaanka, isagoo sheegay in kursigiisu banaan yahay. Wuxuu sabab uga dhigay go'aanka in Abiib uusan soo xaadirin labo kal-fadhi oo Gollaha Shacabka yeeshay.

Xildhibaannada ayaa ku dooday in Guddoomiyaha uu ka baxay xadkiisa gudoominta Gollaha Shacabka, waxayna sheegeen in go’aan noocan ah u baahan yahay ansixin Baarlamaan iyo raacitaanka habraaca sharciga ee la dejiyay.

Xildhibaannada diidan go’aankan waxay tilmaameen in ka qaadista kursiga Xildhibaan Abiib aanu waafaqsaneyn dastuurka Soomaaliya iyo xeerarka Baarlamaanka. Abiib oo laga soo doortay gobollada waqooyi ayaa naftiisa khatar soo wajahday markii uu soo bandhigay musuq-maasuqa dowladda.

Xildhibaan Abiib ayaa qoraallo badan ka qoray musuq-maasuqa ka dhex-jira dowladda, isagoo la wadaagey Mareykanka iyo dowladaha deeqaha dhaqaale siiya Soomaaliya, kuwaasoo ogaadey in mashaariic badan oo bangiga Adduunka ka timid la leexsadey, islamarkaana ku dhaceen lacagaha jeebabka shaqsiyaadka awoodda haysta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo shir gaar ah oo doorashadda ku saabsan ku qabanaya Muqdisho

Khilaafka ka dhex jira maamulka Jubaland iyo Puntland iyo dowladda federaalka ayaa ah mid sii murjeynaya wadahadalada siyaasadeed.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 02:19PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu waramay inuu shuruud ku xiray booqashadiisa Laascaanood

Mas’uuliyiinta maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood ayaa casuumaad rasmi ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    23-10-2025

  • 12:49PM