Indha-qarshe oo sharaxay caqabadaha haysta dhismaha milatariga
MUQDISHO, Soomaaliya – General Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe, taliyihii hore ee Milatariga Soomaaliya oo la hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sharaxay qaabka uu nidaamka federaalka uu caqabad ugu yahay in Soomaaliya ay yeelato ciidamo la isku haleyn karo.
Indha qarshe oo hoosta ka xariiqay in milatariga uu hoos yimaado dowladda Faderaalka ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay soo baxday markii la aas aasay dowladdaha xubnaha ka ah Faderaalka.
“Dhibaato kala ayaa soo baxday markii ay dhismeen Dowlad-Goboleedyada, dowalad kaste waxa ay rabtaa ciidanka la jooga in ay iyadu xukunto” ayuu ku dooday Generaalka.
Isaga oo sii hadlaya waxa uu hoosta ka xariiqay “waxaa iska hor imaanaya ujeedadii ciidanka loo dhisay oo eheyd in ciidanku uusan xuduud lahayn, oo gobolka uu joogo maahee kan kala lagayn karo”.
Generaalka oo hadlaayay caqabadaha waxa uu sheegay in labo waawayn ay jirto kuwaas oo kala ah taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka uusan mararka qaarkood laga ogolaanayn in uu taliye u magacaabo ciidanka ku sugan dowlad-goboleedyada dalka taas oo abuuraysa caqabad xooggan.
Waxa kale oo uu sheegay in nidaamka qabiilaysan uusan ogolaanayn in ciidanka la isku badalo oo ciidan inta gobolka laga soo daabulo gobolka kale aan galayn Karin taas oo dhibaato kale ku ah dhismaha ciidan qaran oo awood leh.
“Askariga lama siiyo mushaar ku filan markii hadii gobolkiisa aad ka badasho oo aad gayso gobol kale waxaa ku imaanaya mushkilad dhaqaale marka bil ama labo marka uu joogo waa iskaga tagaa” ayuu yiri Gen Indha Qarshe.
Ka soo bilow 2008 ilaa 2022, waxaa jiray iskuddayo xoog badan oo beesha caalamka ku doonaysay in lagu dhiso ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Waxaa laga leeyahay laba ujeeddo oo kala ah: In masuulliyadda amniga dalka ay kalawareegaan ciidanka AMISOM iyo in ay ka hortagaan Al-shabaab.
Nasiibxumo, labadaas hadaf weli lama gaarin, iskaba dhaaf in la xoojiyo hay’adaha qaabilsan amniga iyo difaaca dalka.
Waxaa jira caqabado badan oo hortaagan dhismaha ciidan qaran oo iskudhafan sida ay qabaan khuburada milatariga kuwaas oo kala ah siyaasada, hawlgallinta ciidanka, iyo burburkii dalku soo maray dhibaatooyinkii ka dhashay. Tan waxaa sii xoojiyay caqabadda siyaasiga ah.
GAROWE ONLINE