Ingiriiska oo wadahadal ugu baaqay Dowlada federaalka iyo Jubaland

Image
Safaaradda ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay in la iska-indho-tiray baaqoodii ahaa in aan gacan ka hadal loo bedelin xiisadaas siyaasadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ingiriiska ayaa si kulul uga hadashay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Raaskambooni ee u dhaxeeyay ciidanka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland.

Qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka ee safaaradda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin in xiisadda siyaasadeed ee dowlada federaalka iyo Jubaland ay isku rogtay gacan ka hadal.

Safaaradda ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay in la iska-indho-tiray baaqoodii ahaa in aan gacan ka hadal loo bedelin xiisadaas siyaasadeed.

“Dhacdooyinkan laga baaqsan karay ee xasilooni darada u horseedaya Jubaland waxay wiiqayaa ammaanka Soomaaliya waxayna kaliya faa’iido u yihiin Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah loogu cambaareeyay jaritaanka isgaarsiinta iyo xayiraada dhanka socdaalka taasoo si weyn u saameysay dadka shacabka ah.

“Boqortooyadda UK waxay dalbanaysaa xasilooni waxaana xoojineynaa baaqyadda dhamaan dhinacyada ee ku aadan in la aado wadahadal si loo helo waddo lagu gaari karo dib-u-heshiisiin,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM