Is-mari-waaga Farmaajo iyo Rooble oo isku badalay kala shaki

Image
Ammaanka aqalka looga taliye Soomaaliya ayaa la adkeeyay hogaanka dalka uu isku qabtay maareynta xilliga kala guurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya "gaari looga shakiyey qarax" oo Khamiista maanta ah lagu qabtey GATE ONE - iridka koowaad - ee laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Tafaasiisha qaar ayaa waxay xusaysaa in laga helay qaraxa, halka fahfaahin kale ay muujineyso in laga waayay. Hay'addaha ammaanka ayaan wali ka hadlin dhacdadan.

Ammaanka aqalka looga taliye Soomaaliya ayaa la adkeeyay hogaanka dalka uu isku qabtay maareynta xilliga kala guurka taasoo ku biyo shubatay kala shaki.

Dhanka kale, Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online ciidamadda la baxay Badbaado Qaran ee taabacsan mucaaradka Soomaaliya ay abaabul ka bilaabeen Muqdisho.

Askartan ayaa doonaysa in ay ka hortagaan talaabadda xigta ee taliska Mohamed Farmaajo qorsheynayo maalinta ciidanka xoogga ee 12-ka April - taasoo lagu tilmaamay "isku day-afgembi cusub".

Rabitaanka iyo "qooqa" siyaasadeed ee Farmaajo

Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa yiri: "Nabad Iyo Nolol waa in Teendhada la geeyaa ayaga oo ay ka socoto oohinta, cayda iyo duufka".

Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte oo ka hadlay Garowe Online Space ayaa dhankiisa yiri: "Waa in aan u dulqaadan nalkuna maaweelin rabitaanka iyo qooqa siyaasadeed ee [Mohamed Farmaajo]".

Khilaafka Rooble iyo Farmaajo ayaa u muuqda mid haatan u rogtay dhanka xiriirka caalamka markii wasiirka koowaad uu eryay wakiilkii Midowga Afrika balse madaxweynaha waqtigu ka dhacay wuu qaadacay.

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo fulineysa go'aanka Rooble ayaa ku amartay Francisco Madeira in uu dalka uga baxo waqtiga 48-da saac ee loo qabtay.

Mucaaradka ayaa ergaygii Midowga Afrika waxay ku qeexeen "calooshiis u shaqayste kamid ah CBB-da Farmaajo". Geesta kale, ergayga ayaan wali wax war ah kasoo saarin talaabadda xukuumadda xilgaarsiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM