Jabuuti oo qaban-qaabineysa kulanka Xasan Sheekh iyo Biixi

Image
Qorshahan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Soomaaliya uu ergay gaar ah u magacaabay qadiyadda Somaliland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warsidaha Garowe Online ayaa si madax-banaan waxa uu u ogaadey in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, uu diyaarinayo qabashada kulan dhexmara madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Shirkan ayaa, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo, waxa uu kusoo beegmaya xilli ay dhowaan Xasan Sheekh uu magacaabey ergey u qaabilsan arimaha Somaliland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo jagadaas helay isla markaana horey u soo noqdey hogaamiyaha Galmudug iyo wasiirka arrimaha gudaha federaala, ayaa durba shaqo galay.

Wararkaan ayaa intaas ku daraya in Musue Biixi uu aqbalay ka qayb galka kulanka soo socda, halka goor sii horeysay uu soo dhoweeyey magacaabista Guuleed.

Ergayga ayaa darafyada uu la kulmay waxaa kamid ah siyaasiyiinta iyo mudaneyaasha baarlamaanka federaalka ee degaan doorashadooda ay tahay Gobolada Waqooyi.

Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka, Saalax Jaamac oo ka qeybgalay is-araggaas, ayaa dhaleeceeyay odayaasha dhaqanka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee loo yaqaano SSC.

Dhinaca kale, is-araggan Xasan iyo Biixi ayaa imaanaya xilli Somaliland dagaal dad badan ku dhinteen kaga jirto magaalada Laascaano. Geesta kale, SSC-Khatumo ayaa soo dhoweysay magacaabista Guuleed, balse waxay xuseen in aysan qeyb ka ahayn Somaliland ayna ayidsan yihiin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM