Jawaari: DFS aqbali mayso natiijada kasoo baxda doorashada Baydhabo

Image

November 17, 2014 (GO)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Dowladda Federaalku aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada maanta lagu wado inay magaalada Baydhabo ka dhacdo.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Jawaari ayaa fariin loogu direy guddiga qaban qaabada shirka iyo weliba xubnaha ergada Baydhabo ku shirsan kuwaaso looga digey inay qaadaan tallaabooyin xadgudub ku ah heshiisyadii horay loo wada gaarey, amaradii kasoo baxay Dowladda Federaaka iyo tallaabo kasta oo carqaladeyn karta habsami u socodka dhismaha maamul goboleedka koonfur galbeed.

"ayadoo la xeerinayo qodobadan kor ku xusan waxaa  looga digayaa guddiga iyo ergada shirka maamul dhisidda Koonfur Galbeed iney ku kicin wax carqalad ku keeni kara habsami u socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale go’aammo dhalin kara carqalad, xasilooni darro iyo dib u dhac baaxad weyn oo ku yimaada xaqiijinta himilada dhismaha maamul loo wada dhan yahay" war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Dhanka kale waxaa war-saxaafadeedkaas lagu sheegay in Dowllada Federaalku marna aqbali doonin natiijo kasta oo shirkaas kasoo baxda taasoo khilaafsan qodobadii horay loogu heshiiyey.

"ugu dambeyn waxaan halkaan ku cadeynayaa natiijo kasta oo khilaafsan go’aannada Dowladda ee kor ku xusan ineysan Dowladda Federaalka Soomaaliya aqoonsan doonin ayadoo taasina ay xad gudub ku noqoneyso Dastuurka Dalka qodobkiisa 48aad, farqada 2aad ee siineysa Xukuumadda Federaalka awoodda hagidda iyo maamul dhisidda gobollada dalka, mas’uuliyadda wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana ay qaadi doonaan cidii ku xad gudubta go’aammada Dowladda Federaalka Soomaaliya"

Waxaa xusid mudan in Gudoomiyaha Baarlamaanku si gaar ah uga soo horjeedo inuu dorashadaas kusoo baxo Shiriif Xasan Shiikh Aadan oo isagu ah murashaxa ugu cad cad shan murashax oo doorashada madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ku tartami doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM