Jawaari: intaas ka badan mooshinka masii hayn karo

Image

November 21, 2014 (GO)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaciyey in maalinta Isniinta ee soo socota xildhibaannada loo gudbin doono mooshinka laga  keenay xukuumadda.

Jawaari oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa dalka Jabuuti u duuleen ayaa sheegay in muddo intaas kadib uusan mooshinka sii hayn karin sidaas darteed uu ku khasban yahay sida ugu dhaqsaha badan inuu kusoo gudbiyo.

Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanku wuxuu ugu baaqay xildhibaanada inay ilaaliyaan anshaxa iyo xurmada baarlamaanka isagoo ku goodiyey in xildhibaankii si aan munaasib ahayn u dhaqma ee isku daya inuu fadhiga baarlamaanka fowdeeyo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Fadhiga baarlamaanka ayaa labo mar oo hore oo guddoonka baarlamaanku isku dayey inuu qaybiyo mooshinka buuq iyo fawdo kusoo idlaaday kadib markii xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkaasi qaylo bilaabeen iyagoo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah xildhibaanada kale ee mooshinka soo gudbiyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib kulankii labada maalmood qaatay ee kusoo gaba gaboobay Copenhagen ayaa ugu baaqay baarlamaanka inuu shaqadiisa qabsado, hadalkaasoo dad badani u fasirteen inuu ula jeedo baarlamaanku ha dedejiyo ka doodista mooshinka laga keenay xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM