Jawaari: mooshinka waa la hakiyey inta laga xalinayo khilaafka

Image

November 24, 2014 (GO)- Kadib markii uu maanta mar saddexaad fawdo kusoo dhamaaday fadhigii Baarlamaanka Federaalka ee xildhibaanada loogu qaybin lahaa mooshinka laga keenay xukuumadda, ayaa waxaa go'aano cusub soo saaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa Jawaari ayaa lagu sheegay in mooshinka dib loo dhigay inta xal laga gaarayo khilaafka kala qaybiyey baarlamaanka.

"kuIanka seddexaad oo ajendihii iyo mooshinkii Ioo qeybiyey xubnaha waxaa weli  taagneyd  xasilooni-darro  iyo  nidaam-darro  baaxad  weyn  sidaas  awgeed mooshinkan  oo la yaala  Golaha  Baarlamaanka,  wuxuu  Guddoonka  Golaha Shacabku  Guddoonsaday  inaan  la  guda-geli  karin  ajendaha  ilaa  iyo  inta  xal looga  helayo  xasilooni  darrada  iyo  nidaam-darrada  baaxadda  weyn  maadaama mas'uuliyadda  koowaad  ee  Guddoonka  saaran  ay  tahay  ilaalinta  iiritaanka" war-saxaafeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Guddoonka Baarlamaanku marar badan isku dayey inuu dhex-dhexaadiyo labada garab ee xildhibaanadu u qaybsameen, haseyeeshee dhammaan dadaaladaasi guul dareystey kadib markii labada dhinacba ka madax adeygeen inay qaataan talo soo jeedintooda.

Ugu dambeyntii Guddoonka Baarlamaanka Federaalku wuxuu shaaciyey in shaqooyinkii kale ee baarlamaanku sii socon doonaan iyadoo la bilaabayo ka doodista ajendayaal kale balse  arinta mooshinka mudo aan la shaacin dib loo dhigay.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM