Jawaari oo ka hadlay khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta DFS

Image

October 26, 2014 (GO)-Afhayeenka gollaha shacabka Somalia Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay markii ugu horaysay muranka iyo khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Xasan Shiikh iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.

Jawaari ayaa sheegay khilaafka Villa Somalia ka jiraa in lagu dhamayn doono si deganaan ah oo xilkasnimo ku jirta balse ay wada shaqayn wanaagsani hadda kala dhaxayso Hay'adda fulinta ee uu horkacayo Cabdiwali Shiikh Axmed.

“waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo in wada sahqeyntii ka dhaxeysay GolahaShacabka iyo Laanta fulinta ee la xiriirtay sharciyadii loo dejinayey hiigsiga 2016ka in sidooda ay u soconayaan oo aanay kala fikir duwanaanshahan wax saameyn ah ku yeelan doonin oo sidooda ay u socon doonaan oo aanay jirin wax hakan doona, sidaasi ayeyna go'aansadeen guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka, wey soconeysaa howsha,wixii dhexdeenna oo kala aragti duwanaansha ahna si biseyl siyaasadeed, degenaansho,wadaniyad iyo u daneynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayey kudhamaaneysaa”.

Gudoomiyaha Baarkamaanka ayaa beesha caalamka iyo shacabka ugu baaqay inaysan buun buunin khilaafka labdan masuul ayna wax kasta sidii loogu talo galay ku dhamaan doonan.

Xafiisyadda Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u mashquul-sanaa iyadoona siyaasiyiin labada dhinac kala taageersan ay u kala qab qaadayaan masuuliyiinta is haya.

Khilaafkankan ayaa soo if-baxay maalinkii shalay ka dib markuu Cabdiwali Shiikh Axmed isku shaadheyn ku sameeyay qaar ka mid ah gollaha wasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM