Jawaari oo maanta la kulmaya Danjire Nicholas Kay iyo xubno ka socda EU

Image

November 9, 2014 (GO)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa la filayaa in uu maanta qaabilo xubno ka socda beesha caalamka.

Sida wararku lagu helayo wuxuu saaka la kulmi doona Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay isagoo isla gelinka dambe ee maantana shir la qaadan doona qaar kamid ah safiirrada dalalka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya.

Jawaari iyo labadiisa ku-xigeen ayaa ka warbixin doona meesha ay marayaan dadaalada lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sareeya Dowalda Federaalka iyo weliba mooshinka qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanku ka gudbiyeen Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dhanka beesha caalamka ayaa saaran gudoonka baarlamaanka kadib markii uu aqbalay mooshinka la doonayo in kalsoonida loogala laabto wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka.

Waraysi uu siiyey warbaahinta wuxuu Gudoomiyaha Baarlamaanku ku sheegay in muddo kooban dib loo dhigay ka doodista mooshinka, si fursad loo siiyo dadaalada socda ee la doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, Jawaari iyo ku-xigeenadiisu waxay kulamo gaar gaar ah la lahaayeen Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha, xildhibaanada mooshinka keenay iyo weliba xildhibaanada mooshinkaas kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM