Jubaland: Isbadalo la sameeyay xilli ay xaalad kasoo korortey Gedo

Image
Talaabadan ayaa timid kadib markii wafdi fasax ka haysta Villa Soomaaliya ay ka dageen Baardheere.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Jubbaland ayaa magaacabay wasiirka arrimaha Gudaha oo banaanaa tan iyo sanadkii hore markii uu dhintay mas'uulkii waqtiga dheeraa hayey xilkaas ee Maxamed Warsame Darwiish.

Maxamed Oogle oo ahaa wasiirkii caafimaadka ayaa noqdey wasiirka cusub ee arrimaha gudaha. Wasaaraddii uu ksoo tagay ayaa illaa haatan waxaanan loo magacaabin mas'uul kale.

Talaabadan ayaa la sheegay in ay ku timid xaalad deg-deg ah kadib markii wafti uu hoggaaminayo Senator Cabdullaahi Fartaag ay ka dageen magaalada Baardheere.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in wafdigan uu halkaasi shir uga furmayo, ayna ogolaansho ka haystaan madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Jeneraal Fartaag oo dad kula hadlay Baardheere ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii loo dhisi lahaa Jubbaland loo dhan-yahay. Hadalkan waxa uu u muuqdaa bilowga olole cusub.

Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ka shaqeeyo arrimaha gobolka Gedo oo siyaasad ahaan cakiran walina aanan xal waara laga gaarin.

Maalin ka hor ayuu madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan gobolka Gedo u magacaabay mas’uul si kumeelgaar ah u maamulaya, kaasi oo balse aanan awood muuqata ku lahayn guud ahaan gobolkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM