Jubaland: Kuraasta taala Gedo lagama reebi karo doorashada guud

Image
Madaxweynaha Jubaland ayaa taageeray go'aanka lagu wareejiyay degaan doorashadda labaad.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay "in uu mar kale ku celinayo hadalkiisi ahaa inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah".

Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka isla markana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari karin doorashada taasna ay qasabtay in laga wareejiyo Garbahaareey maadaama ayna ka jirin kalsooni iyo xasilooni halkaas doorasho lagaga qaban karo iyo hay’ado amni oo damaanad qaadi kara Nabadgalyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaas tagi lahaa.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland si looga faa’iidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.

Gaba gabadii, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool Magaalada Ceelwaaq inay kala shaqeeyaan Hay’adaha amniga Nabadgalyada deegaanka iyo soo dhawaynta martida iyo ergooyinka ka qeyb qaadanaya doorashooyinkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM