Jubaland oo digniin culus kasoo saartey ciidanka la geeyay Raaskambooni

Image
Maxamuud Sayid Aadan ayaa wax aan la aqbali karin oo sharci darro ah ku tilmaamay ciidamadaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowladda Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee Jubaland iyo duulaanka gardarada ah ee Dowladda Federaalka ay ku burburinayso jiritaanka hay’addaha Dowliga ah ee Jubaland.

Me Aadan ayaa sheegay in Ciidamada laga soo daldalayo furimaha dagaalka ee la keenay deegaan nabdoon oo dhib uuna ka jirin ujeedada laga leeyahay ay tahay "in wiilal Soomaaliyeed ay is dilaan taas oo maanta loo baahan yahay inay ka joogsadaan hogaanka Dowladda Federaalka ah".

Maxamuud Sayid Aadan ayaa wax aan la aqbali karin oo sharci darro ah ku tilmaamay ciidamada dowladda federaalka ah ee Raaskambooni.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa digniin culus soo saaray, wuxuuna caddeeyay in adeegsiga cudud ciidan oo lagu wiiqayo Jubaland ay halis ugu jirto hurinta colaad dhiig badan ku daato, haddii aysan ciidamada qaranka Soomaaliya si degdeg ah uga bixin.

Dhanka kale, Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa isaga baxay degmada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose si aysan qeyb uga noqon iska horimaad hubeysan oo u dhaxeeya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Ka bixitaanka la soo sheegayo ayaa ku soo aadaysa kadib markii uu muddo 15 cisho ah u qabtay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaas oo uu ku amray in ciidamada federaalka ay isaga baxaan deegaanka si ay uga hortagaan iska hor imaadyo dhici kara.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay Ciidanka u adeegsatay dowladaha xubnaha dowladda federaalka halkii ay ahayd in ay kula dagaalanto maleyshiyadda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM