Jubaland oo "fashilisay" qarax loo maleegay mas'uul

Image
Hay'adda sirdoonka maamul goboleedka ayaa shaacisay in ciidamada ay si nabad ah u fureen miinadda.

KISMAAYO, Jubaland - Hay'adda sirdoonka Jubaland ayaa shaaca ka dhigtey in ay fashilisay qarax ay Al-Shabaab u maleegtay mas'uul ka tirsan dowlad goboleedkan, wallow aysan shaacin magaciisa.

Qoraal kasoo baxay hay'adda NISA-Jubaland ayaa lagu caddeeyay in qaraxaas uu ahaa miino isla markaana lagu xiray albaabka guriga mas'uulkan oo ku taala magaaladda Kismaayo.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedkan kooban oo lagu daabacay ciwaanka Facebook-ga ee hay'adda, intii uu socdey howlgalka furida miinadda kama dhalan wax khasaaro soo gaarey ciidamadda.

"Alle Mahadii waxay ciidanka Hay'ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland (JISA) caawa fashiliyeen miino ay argagixisadu albaabka ugu dhajisey masuul katirsan Dowlada Jubbaland," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka oo lasoo raaciyey sawirro ayaa wuxuu intaas kusii darayaa: "Ciidanka ayaa ku guuleystey inay miinada ka furaan albaabka ayada oo aan wax khasaare ah ka dhalan".

"Waxaan u mahadcelinaynaa bulshaweynta reer Kismaayo ee sida joogtada ah ula soo wadaagaya laamaha amniga qorshayaasha iyo ficilada argagixisada," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Jubaland ay heegan buuxa-gelisay ciidamadeeda isla markaana shacabka ay isku-diyaarinayaan munaasabadda Ciidul Fidriga oo foodda nagu soo haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM