Jubaland oo Villa Soomaaliya ku eedeysay sumcad dilka Axmed Madoobe

Image
Eedeymahan ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka golaha wadatashiga qaran.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha warbaahinta ee Madaxtooyada Jubbaland Maxamed Xasan Xiis, ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliya inay maalgelisay olole lagu aflagaadeeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo lagu sameeyay baraha bulshada.

Xiis ayaa ku andacoonaya in C/qaadir Cali Dige oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta ee Villa Somalia uu soo agaasimay dacaayad laga faafiyay baraha bulshada oo lagu doonayay in lagu sumcad dilo Madaxweyne Madoobe.

“Madaxweyne, weli rajo ma ka qabtaa ergada aad u direyso inay xalliyaan khilaafka jira, iyadoo Agaasimahaaga Warfaafinta iyo Xafiiskaagu ay lacag ku bixinayaan aflagaadada iyo dacaayadda ka dhanka ah madaxda aad ku casuuntay shirka madasha,?" Xiis ayaa hadalkiisa ku daray isagoo soo xiganaya qoraal la sheegay inuu Dige u diray faafinta ololaha.

Eedeymahan ayaa imaanaya iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasoo galay maalintii shanaad.

Madaxweyne Madoobe ayaa ka horyimid in dowladda Federaalka ay wado doorasho qof iyo cod ah, isagoo u ololeynaya doorasho dadban oo la mid ah tii Jubbaland ka dhacday 2019-ka.

Dowladda Federaalka oo ay ugu horreeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa u ololeynaya in doorasho mideysan oo hal qof iyo cod ah ay ka dhacdo guud ahaan Soomaaliya, taasoo uu Madoobe diidan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM

Degganaansho oo Kusoo Laabatay Muqdisho Kadib Labo Maalin oo Dagaal Ah

Dhanka kale, saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sii wada dadaallada lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 06:40AM