Jubaland oo Wafdi Wasiirro ah ka dejisay magaalada Doolow

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka laga helayo Jubbaland ayaa sheegaya in wafdi isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno, islamarkaana katirsan maamulkaasi ay maanta gaareen magaalada Doolow ee gobalka Gedo iyadoo warar kala duwanna ay ka soo baxayaan qaabka ay halkaasi ku tageen.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in wafdigaan ay ka soo ambabaxeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, iyagoo duulimaad toos ah ku tagay magaalada Doolow, waxaana la is weydiinayaa halka uu ku danbeeyay xayiraaddii ay dowladda federaalka ah saartay magaaladaasi dhowaan.

Diyaaradda maanta ka degtay Doolow ee sidday wafdigan ayaa ah diyaaradaha qaada rakaabka ee isaga kala goosha gobolada dalka balse aan ka diiwaan gashneen Soomaaliya.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka DF oo ku saabsan diyaaraddaan sida toos ah ka uga degtay magaalada Doolow ee gobalka Gedo.

Amar ka soo baxay DF ayaa lagu joojiyay duulimaadyada tooska ah ee ka baxaya magaalada Kismaayo taas oo la doonayay in lagu cadaadiyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, balse waxaa muuqata in dowladda dhexe ay arrintaasi ku fashilantay.

Sidaan oo kale 2019kii waxaa jirtay in la mamnuucay diyaaradaha duulimaadyada tooska ah ku tagi jirey Kismaayo ama ka bixi jirey, hase ahaatee waqtigaas ma uusan dhaqan galin go,aankaasi oo waxaa jirtay in diyaarado ka imaanayay magaalada Nairobi ay toos uga degi jireen Kismaayo.

Hadda, waxaa jira khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd mana muuqato saan-saan lagu damin karo xiisaddaan xarkaha goosatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM