Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka
Kismaayo – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah uga qeybqaadato badbaadinta Soomaaliya oo ay sheegtay inay halis ugu jirto in ay u dhacdo kali-talisnimo, iyadoo la tilmaamay isbeddello siyaasadeed oo hadda socda oo si weyn u wiiqaya nidaamka federaalka ee dalka.
Maamulka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay inuu ku dhaqaaqayo kaligii-talisnimo, isla markaana Villa Soomaaliya ay si toos ah u maamulayso arrimo qaran oo u baahan wadatashi qoto dheer oo lala yeesho daneeyayaasha siyaasadeed.
Jubbaland waxay si gaar ah u dhaliishay isbeddelka dastuuriga ah ee uu wado Madaxweynaha, iyagoo sheegay in qorshayaashaasi yihiin kuwo khatar ku ah midnimada qaranka. Xasan Sheekh ayaa wado qorshe doorasho oo toos ah iyo nidaam madaxweyne awood badan leh – arrin Jubbaland iyo mucaaradku ku sifeeyeen mid horseedi karta in xukunka uu noqdo mid aan la xakameyn karin.
Bayaan kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu yiri: "Tallaabooyinka Villa Soomaaliya waxay xoojinayaan maamul dhexe oo aad u xoog badan, taasoo horey u abuurtay khilaafyo iyo kala qaybsanaan goboleed oo dalka ka jiray."
Sida ay Jubbaland sheegtay, waa waqti xasaasi ah oo ay lama huraan tahay in la ilaaliyo guulihii dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya ay gaartay, iyadoo la difaacayo nidaamka federaalka ah.
Digniinta Jubbaland ayaa timid xilli ay cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga, doorashooyinka, iyo dib-u-eegista dastuurka.
Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud, laakiin mucaaradka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid aan laga fiirsan oo sababi karta caqabado badan oo farsamo iyo mid siyaasadeedba leh.
Bayaan kale oo kasoo baxay mucaaradka ayaa lagu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran (NCC) uu si rasmi ah u burburay, lana bedelay iyadoo lagu bedelay hay’ad siyaasadeed oo dhinac u janjeerta, taasoo lagu aasaasay xisbiga Cadaaladda iyo Midnimada uu Madaxweyne Xasan Sheekh kaga dhawaaqay shirkii dhawaan dhacay. Xisbigan cusub ayaa iskugu keenay kaliya dowlad-goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed.
Mucaaradku waxay dalbadeen wadatashi ballaaran oo degdeg ah oo ay ka qeybgalayaan dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah si looga hortago xaaladda sii xumaaneysa. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay Madaxweynaha in uu isku dayayo inuu mar kale gacanta ku dhigo maamulka Jubbaland – arrin ay ku sifeeyeen "ku-tumasho halis ah" oo lagu wiiqayo nidaamka federaalka ee Soomaaliya oo horeyba u jilicsanaa.
GAROWE ONLINE