Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka oo lasoo gabagabeeyay

Image
Ajandaha kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhaarinta Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray kalfadhiga labaad ee Aqalka Hoose.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhaarinta Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow oo dhowaan laga soo doortay magalada Baydhabo.

Aadan Madoobe dulmar ku sameeyay howlaha u hirgalay Golaha, wuxuuna mid mid u dul istaagay qodobo muhiim ah oo ku aaddan ansixinta shuruucda Xukuumadda ay soo gudbisay iyo fadhiyo kale oo muhiim u ahaa Golaha iyo guud ahaan dowladnimada dalka.

Dhinaca kale, Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga, ayaa waxay maanta iska doorteen Guddoomiye, Guddoomiye Ku xigeen iyo Xoghayaha guddiga.

Doorasho oo ka dhacday Xarunta Guddiyadda iyo Guddoonka Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa waxaa goob Joog ahaa Hab-dhowraha iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye XiI. Gen. Saadaq Cumar Xasan

Guddoomiye ku xigeen Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan.

Xoghaye Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macalin.

Xubnaha la doortay ee ka kooban labada Aqal ayaa balan qaaday in ay dadaal dheer ah ku bixin doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Baarlamaan ee Walaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM