Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Soomaaliya – Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in beesha caalamku ay si isa soo taraysa uga niyad jabeyso Villa Somalia iyo hoggaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira hannaanka dowladnimada iyo fashilka hay’adaha amniga.

Wasiir Dirir ayaa sheegay in saaxiibada caalamiga ah ay dareemayaan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fashilmay hoggaaminta dowladda, ayna hadda ka caga-jiidayaan wadaagga xogaha sirdoonka iyo amniga ee muhiimka ah.

"Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa. Laguma aamini karo arrimaha amniga iyo sirdoonka," ayuu yiri Wasiir Dirir.

Dhanka kale, Wasiirku wuxuu xusay in dowladaha daneeya amniga Soomaaliya, sida Mareykanka iyo Ingiriiska, ay kalsooni sii kordheysa ku qabaan howlgalka Puntland ee lagula dagaallamayo argagixisada, gaar ahaan Dacish oo ku sugan buuraleyda waqooyi-bari ee Puntland.

"Beesha caalamka, oo ay ku jiraan UK iyo US, hadda waxay u arkaan Puntland inay tahay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo kaalin muuqata ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah. Maalin dhoweyd ayaad aragtay diyaarado Mareykan ah oo raashin ugu daadinaya ciidanka Puntland buuraha ugu sarreeya," ayuu raaciyay.

Puntland ayaa muddo dheer ahayd maamul iskeed u madaxbannaan oo qayb ka ah federaalka Soomaaliya, balse marar badan muujiisay shaki iyo walaac ku saabsan habka ay u shaqeyso dowladda dhexe, gaar ahaan arrimaha awood-qaybsiga, iskaashiga amni, iyo xiriirka lala yeesho beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM