Kenya: Howlgalada Soomaaliya waxay wiiqeen Al-Shabaab
NAIROBI, Kenya - Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in howlgalada ka soconaya gudaha Soomaaliya ee ay iska-kaashanayaan dadka degaanka iyo dowlada federaalka uu wiiqay awooda Al-Shabaab.
Kindiki oo ay soo xigatay majaladda The Star ayaa intaas ku daray in dhankooda ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan "dhagar badan oo cadowga uu doonayey in uu ku dhibaateeyo dadka shacabka ah".
"Waxaan carqaladeynay qorshayaal badan oo argagixisanimo oo meel laga soo maleegay, waxaan burburinay ama xirnay daraasiin looga shakisan yahay argagixisanimo, waxaanan burburinay kayd aad u badan oo hub iyo walxaha qarxa ah oo si xun u waxyeeleyn kara dadkeena hadii aan laga hortagin," ayuu ku yiri warbixin dhawaan uu siiyay.
Wuxuu ku daray: "Howlgalka hadda socda ee lagula dagaalamayo argagixisada Al-Shabaab ee Soomaaliya, oo ay hormuud ka yihiin hoggaamiyeyaasha bulshada maxalliga ah oo taageero ka helaya dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si weyn u wiiqay kooxdan xagjirka ah".
Kindiki oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in laamaha amaanka Kenya ay ka feejigan yihiin in dagaalyahanada aysan usoo gudbin gudaha dalka Kenya.
"Waxaan sare u qaadnay ilaalada xudduudaha, waxaanan sare u qaadnay la socodka fidinta hubka sharci darrada ah, daroogada maandooriyaha iyo walxaha nafsaaniga ah," ayuu hoosta ka xariiqay.
Isaga oo sii hadlaya wasiir Kindiki ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay horumar ka sameeyeen xog uruurinta si ay dhowr tallaabo uga hormaraan cadowga.
"Waa inaan had iyo jeer anaga ku horeynaa dharbaaxadda waliba si degdeg ah si aan uga takhalusno oo aan u tirtirno shabakadahooda xun," ayuu ku nuux-nuux-sadey wasiirka
Kindiki waxa uu sheegay in saraakiisha haya shaqada adag ee ka tirsan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ay weli ku hawlan yihiin sidii ay argagixsada uga ilaalin lahaayeen muwaadiniinta Kenya loona baahan yahay in lala shaqeeyo.
Kenya ayaa kamid ah wadamadda dariska ah kuwaasoo qorshuhu yahay in ay Soomaaliya usoo diraan kumanaan ciidan oo ku biiraya wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.
GAROWE ONLINE