Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Caqabadaha Dhaqaale Ee AUSSOM iyo Saameynta Amniga

Image

Nairobi, Kenya, Juun 3, 2025 – Dowladda Kenya ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan saameynta amni ee ka dhalan karta gobolka Geeska Afrika fashilka hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo caqabado xagga dhaqaale ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha ee Kenya, Mudane Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in dhibaatooyinka haysta ciidammada AUSSOM — oo horey loogu yaqiinay Hawlgalka Kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) — ay abuuri karaan farqi weyn oo xagga amniga ah, taas oo halis gelin karta xasilloonida gobolka oo dhan.

Howlgalkii ATMIS ayaa sameeyay dhimista tirada ciidammada, iyada oo la filayo in geeddi-socodkaas la soo gabagabeeyo bisha soo socota, si loo bilaabo si rasmi ah howlgalka AUSSOM. Hawlgalkan cusub wuxuu leeyahay waajibaad lagu taageerayo hay’adaha amniga qaranka Soomaaliya, si ay u fuliyaan barnaamijka xasillinta dalka.

Mudavadi ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay taageero dhaqaale oo degdeg ah si loo dardar-geliyo howlaha AUSSOM, ayna muhiim tahay in la iska kaashado sidii loo sugi lahaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Kenya ayaa kumanaan askari ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo ku sugan Jubaland, waxayna ka walaacsan tahay in hadii dhamaado howlgalka Soomaaliya, iyadoo laga qadkaan Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato amnigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wariye Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ahaa oo lagu dilay Jarmalka

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudey.

  • Soomaliya

    19-09-2026

  • 05:02AM

Soomaaliya : Facebook oo mar kale laga waayay codadka ka aragti duwan DF- ka ee muddo dhaafka ah

Dhacdooyinkani ma aha kuwo cusub. Dabayaaqadii 2024, ururrada warbaahinta…

  • Soomaliya

    18-09-2026

  • 01:45PM