Khasaaro kala duwan oo ka dhashay qarax ka dhacay Baardheere

Image
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa dusha saartey mas'uuliyadda falkan.

KISMAAYO, Jubaland - Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay qarax loo adeegsadey gaari oo aroornimadii Talaadada maanta ah  lagu weeraray guriga martida magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa imaanaya xilli magaalada ay bilooyinkii lasoo dhaafay martigelisay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed. Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartey mas'uuliyadda falkan.

Ugu yaraan laba qof oo u badan dad shacab ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen dhowr kalana ay ku dhaawacmeen qaraxa Baardheere oo la sheegay in uu fuliyey naftii—halige.

Muuqaalada laga helay goobta oo qaar kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa muujinaya burbur xoog leh oo soo gaarey guriga martida magaalada oo la beegsadey.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmad Buule, ayaa lagu waramay in uu kamid yahay dadka ay waxyeeladda kasoo gaartey qaraxa is-miidaaminta ah ee Baardheere.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in mas'uulkan xaaladiisa lagula tacaalayo mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada isla markaana dhaawaciisu uu yahay mid aan buurneyn.

Baardheere ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay fariisin u ahayd siyaasiyiin ay kamid yihiin Senator Fartaag iyo Wasiir hore Cabdirashiid Janan kuwaasoo wada abaabul ka dhan ah maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM