Khatar ka jirta xaalada afar wariye oo ku xiran Muqdisho

Image

Axad, September 28,2014 [ GO]- Waxaa laga soo dayrinayaa xaalada caafimaad ee afar wariye oo ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho muddo labo bilood ah , kuwaas oo wararku sheegayaan inay ka soomeen guud ahaanba cuntadii kadib markii jirdil iyo ciqaab koronto lagu dhajinayo gudaha xabsiga loogu geystey.

Agaasimaha Idaacadda Shabelle Maxamed Muuse ayaa u sheegey Garowe Online inaan wax maxkamad ah lasoo taagin wariyaasha mudadii ay xirnaayeen islamarkaana xaaladooda caafimaad halis ku jirto.

Suxufiyiinta ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa kala ah Maxamuud Maxamed Maahir (Carab) Agaasimaha Idaacadda SKY FM , Cabdimaalik Yuusuf Mulkiilaha Shabelle, Maxamed Bashiir oo ka tirsan Shabelle ahna wakiil wareedka Radio Garowe ee Muqdisho , Axmed Cabdi Xasan oo isna ah suxufi ka howl-gala Shabelle 

Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ay kasoo saartey Dowladda Federaalku xariga wariyaashan iyo sababta ka danbeysa xilli muddo dheer ay ku jiraan xabsiga welina aan maxkamad lasoo taagin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM

Lafta-Gareen oo Soo Rogay Canshuur Shaqsiyeed Iyadoo jiraan Amni-darro iyo Shaqo La’aan

Doorashadii Lafta-Gareen ee December 2028 ayaa u dhacda si aan xor iyo xalaal ahayn, oo rabshado ka dhaceen Baydhabo.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 08:02AM