Khayre oo ka hadlay sababta Farmaajo ugu guurey Wasaaradda Gaashaandhigga

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha uu Madaxweyne Farmaajo uu u degay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Khayre oo ka hadlayay Shir arrimaha shaqaalaha rayidka looga hadlayay oo ka furmay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka shaqeynayo tira-koobka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

"Howlaha badan ee dalka laga hayo ayay kamid tahay mida Wasaaradda Gaashaandhigga uu ugu guurey Madaxweynaha si uu u tira-koobo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed," ayuu yiri Khayre.

Isagoo hadalkiisa sii wato, Khayre ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliya loo diyaarinayo inay la wareegaan mas'uuliyadda amniga labada sano ee soo socota, maadaama ay dalka ka baxayso AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu bisha soo socoto uu isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ka qeyb geli doono shir Heer Caalami ah oo looga hadli doono dhismaha Ciidamada Soomaaliya.

Hadalka Khayre ayaa kusoo beegmaya xilli Imaaraadka oo kamid ah dalalka Ciidanka u tababarayay Soomaaliya uu dhawaan  joojiyay howlihii uu kawaday Muqdisho, ee isagu jiray tababar siinta iyo mushaarka bixinta Askar katirsan Ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsan wali Ciidamada AMISOM, oo gacanta ku haya dhul ballaaran oo Koonfurta iyo bartamaha dalka, iyagoo sidoo kale ilaaliya amniga madaxda sare iyo xaruumaha dowladda sida aqalka Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM