Khayre oo ka hadlay sababta Farmaajo ugu guurey Wasaaradda Gaashaandhigga

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha uu Madaxweyne Farmaajo uu u degay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Khayre oo ka hadlayay Shir arrimaha shaqaalaha rayidka looga hadlayay oo ka furmay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka shaqeynayo tira-koobka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

"Howlaha badan ee dalka laga hayo ayay kamid tahay mida Wasaaradda Gaashaandhigga uu ugu guurey Madaxweynaha si uu u tira-koobo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed," ayuu yiri Khayre.

Isagoo hadalkiisa sii wato, Khayre ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliya loo diyaarinayo inay la wareegaan mas'uuliyadda amniga labada sano ee soo socota, maadaama ay dalka ka baxayso AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu bisha soo socoto uu isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ka qeyb geli doono shir Heer Caalami ah oo looga hadli doono dhismaha Ciidamada Soomaaliya.

Hadalka Khayre ayaa kusoo beegmaya xilli Imaaraadka oo kamid ah dalalka Ciidanka u tababarayay Soomaaliya uu dhawaan  joojiyay howlihii uu kawaday Muqdisho, ee isagu jiray tababar siinta iyo mushaarka bixinta Askar katirsan Ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsan wali Ciidamada AMISOM, oo gacanta ku haya dhul ballaaran oo Koonfurta iyo bartamaha dalka, iyagoo sidoo kale ilaaliya amniga madaxda sare iyo xaruumaha dowladda sida aqalka Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM