Khilaaf ka dhashay hawlgalada Jubbooyinka ka bilowday

Image

KISMAYO, October 7,2014 [GO]- Shalay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa ku dhaqaaqay deegano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab waxay qabsadeen Lugloow, Yoontay, iyo Buulagaduud.   

Qabsashada deeganadaas kaddib ayaa lagu wargeliyay saraakisha ciidamada AMISOM Qeybta Sector 2 ee ka hawlgala Jubbooyinka inay ku ekaa-daan deeganada hadda ay xoreeyeen ayadoo lagu wargeliyay in ciidamada Sector 1 ee dhawaan xoreeyay Baraawe ay soo gaarayaan Jubbooyinka gaar ahaan Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Jubbaland ayaa gebi ahaan diiday wargelinta kasoo gaartay Muqdisho waxayna sheegeen inay wadayaan dagaalka ay Alshabaab kaga xoreynayaan Jubbooyinka ,

Dihinaca kale maamulka Jubbaland ayaa diiday in ciidamo Soomali ah iyo kuwa isku dhaf ah la keeno hawlgalka ayagoo sheegay inay awoodaan ka xoreynta al-shabaab degaanada hoos yimaada maamulkooda. 

Ciidamada oo xalay ku baryay Buulagaduud ayaa lagu wadaa in dhawaan ay uga ruqaansadaan Kamsuuma oo u jirta 90km waqooyiga Kismaayo. 

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM

Lafta-Gareen oo Soo Rogay Canshuur Shaqsiyeed Iyadoo jiraan Amni-darro iyo Shaqo La’aan

Doorashadii Lafta-Gareen ee December 2028 ayaa u dhacda si aan xor iyo xalaal ahayn, oo rabshado ka dhaceen Baydhabo.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 08:02AM