Khilaaf ka dhex aloosan milatariga xukuma dalka Suudaan

Image
Dacm-sariic ayaa ah maleeshiyaad uu si aad ah u hubeeyay madaxweynihii hore ee Sudan, Cumar Xasan Axmed (Al-Bashiir).

KHARTUUM, Suudaan - Ku xigeenka madaxweynaha golaha madax-banaanida Suudaan ahna hogaamiyaha ciidamada gurmadka deg-dega ah (Dacm-sariic), Maxamed Xamdaan Daglo (Ximaydti), ayaa sheegay in uusan khilaaf ka dhaxayn Dacm-sariic iyo ciidamada milatariga dalkaas.

Ximaydti oo khudbad u jeediyay ciidamadiisa ku sugan saldhiga Karare ee magaalada Um-durmaan ayaa yiri: "Anaga khilaaf nagalama dhaxeeyo milatariga waxaanu is-haynaa kuwa isku dhajinaya xukunka".

Hogaamiyaha milatariga Sudan ahna madaxweynaha golaha madax banaanida, Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa isagu haatan dalkaasi hogaamiya isaga oo ka cago jiidaya in si deg-deg ah rayidka loogu wareejiyo xukunka dalka.

Dacm-sariic ayaa ah maleeshiyaad uu si aad ah u hubeeyay madaxweynihii hore ee Sudan, Cumar Xasan Axmed (Al-Bashiir) iyaga oo ka dagaalami jiray gobalka Darfoor ee dagaaladu ay ragaadiyeen waxaana aan si dhab ah loo ogayn tiradooda.

25 Dec 2019 ayay Khartuum ku kala saxiixdeen heshiis xoogaga isbedel doonka rayidka ah iyo milatariga balse waxaa heshiis kaasi gebi ahaanba afka ciida u daray hogaamiyaha milatariga iyadda oo aanan wali waddanka yeelan Barlamaan iyo hay'addo sharci oo ku yimid hanaan doorasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM