Khilaafka Hanti dhowraha iyo Maxkamada Gobolka Banaadir soo meel sare gaarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hanti-dhowrka qaranka Axmed Ciise Guutaal, ayaa ku eedeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir inay is-hortaag ku sameysay baaritaanka kiiska Musuq-maasuq  ah oo xafiiskiisa baaritaan ku hayay.

Wararka ayaa sheegaya in Maxkamadda ay soo saartay xukun dhul Muqdisho ku yaalla iyo kuwa xukuno arrimo dhaqaale laga gaarey kadibna uu Hanti-dhowrka joojiyay xukunkaas fulintiisa. Arintan ayaa la sheegay inay kicisay khilaafka labada dhinaca, oo gaarsiisay heer Madaxda sare ee dalka soo farageliyaan.

Axmed Ciise Guutaale, oo wariye hore ah oo aan wax khibrad ah u lahayn howsha xafiiska Hanti-dhowrka ayaa looga yeeray Maxkamadda Gobolka Banaadir inuu kasoo muuqdo 16-ka bishan, iyadoo yeeritaankiisa loo cuskadey qodobada  254, 257, iyo 267 ee Somali Penal Code. Waxaa lagu eedeeyay isku day inuu faragelin ku sameeyo arrimaha garsoorka dalka.

Waxay sidoo kale Maxkamadda ku eedeysay Axmed Ciise Guutaale inuu joojiyay lacagaha qoondada ah ee ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha, si uu ugu cadaadiyo inay u hogaansamaan amarkiisa. Hadii uu diido inuu Maxkamadda tago, waxaa ka dhalan kara ciqaab sharciga dalka waafaqsan, sida ku xusan qoraal Maxkamadda kasoo baxay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Guutaal uu faraha la galay arin ka baxsan shaqada xafiiskiisa iyo waajibaadka loo magacaabey.

Doodan ayaa banaanka soo dhigtay in nidaamka sharciga dalka aysan ka jirin hufnaan iyo isla-xisaabtan, iyadoo dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh dadka xafiiska ku keento qaraabo-nimo, saaxiibtinimo iyo dan-wadaag siyaasadeed, waxayna dhalisay taasi inay meesha ka baxdo hanaankii dowladnimada Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay'adda Transparency International 2024 ayaa Soomaaliya ku dartay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan, taasoo muujinaysa guul-darrooyin maamul oo qotodheer, hay'adaha dowliga oo daciifka ah, iyo la'aanta qorshe lagu xallinayo musuqmaasuqa dalka la degay.

Akhri Xafiiska Hanti dhowraha Guud ee Qaranka oo u jawaabay Maxkamada gobolka Banaadir:

May be an image of text that says "SWaafagsar WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February Muqdisho,February15,2 2025 Maodkamaduh kamidy Gobolka billowsa Baarista sameeyey made waxau Wasiirka loogu hatarahe 21102017 - Sharciga ee agu caddeeyey muuisay tagriifal Maaliyadeed, Summadoedut niyXHC/HG/bz0z/2017,ta shaqo Sharciga fulinta talouyinki 3107/2022, Warbixinta 0706202 Ralcaanka 022/2023 ng Xafiska Hantidhowrka 29/07/2023 qabtaan. foo @ aBBy अ ชนดย kun dakku dowladda ay quseyso -DHAMMAAD- neжecy Cuddoomniycyaasha"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Dowladda Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dagaal kula jirta Puntland oo ah hooyada Federaalka dalka oo soo jirtay tan iyo 1998.

  • Soomaliya

    20-02-2025

  • 11:37AM

Heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya oo Xoogga Lagu Saarayo Wadahadallo Ka Furmay Turkiga

Dhinaca kale, warbixinnada ayaa sheegaya in wadahadalladan lagu soo gabagabeeyey heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan.

  • Soomaliya

    19-02-2025

  • 06:59AM