Kismaayo: shan askari oo galabta shil gaari ku geeriyoodey

Image

                                                                                                                                                                                November 15, 2014 (GO)- Gaari nooca dagaalka ah oo ciidamada Maamulka Jubaland leeyihiin  oo ka soo ambabaxay tuulada Buulla Gaduud ayaa galabta ku rogmaday dalcada Lug-loow oo Kismaayo u jirto 18 Km dhanka waqooyi.

Wararka ku soo dhacaya warqabadka GO ee Kismaayo ayaa sheegaya in shan askari shilkaas ku geeriyoodeen sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Asarkata dhaawaca ah oo xiligan lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka ee magaalada Kismaayo waxaa ku jira qaar xaaladoodu halis tahay.

Dhanka kale waxaa socda qorshe ku aadan sidii dhaawacyada qaarkood loogu soo qaadi lahaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Sanad walba tiro gaadiid ah ayaa ku rogmada dalcadda Luglow maadaama ay tahay  mid joog ahaan dhulka aad uga dheer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo ka bilaabay Soomaaliya dhismaha xarun dayax-gacmeed iyo gantaallo laga rido 

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee mashruuca ayaa ah u-dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha (equator).

  • Soomaliya

    14-12-2025

  • 01:01PM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM