Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo la weeraray

Image

December 3, 2014 (GO)- Kolonyo kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax lagula eegtay deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo sida lagu soo waramayo noociisu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, wuxuu haleelay gaari booyad ah.

Dhanka kale kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa jidka u galay kolonyo kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasoo marayey meel wax yar u jirta degmada Marka.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo labada qarax iyo weliba khasaaraha ay dhaliyeen, welina ma jiro wax war ah oo ku saabsan weeraradaas oo kasoo baxay taliska AMISOM.

Gelinkii hore ee maanta qarax ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku geeriyoodey 4 qof oo saraakiil ciidamada Dowladda Federaalka ka tirsani ku jireen 12 kalena way ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda dal Soomaalida laga soo tarxiilayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sweden.

  • Soomaliya

    16-12-2025

  • 05:53PM

Saddex Maamul oo qaadacay tartanka kubadda cagta ee Dowlad-goboleedyada

Xiriirka kubadda cagta Galmudug ayaa si gaar ah u dhaliilay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiino.

  • Soomaliya

    16-12-2025

  • 05:33PM