Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo la weeraray

Image

December 3, 2014 (GO)- Kolonyo kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax lagula eegtay deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo sida lagu soo waramayo noociisu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, wuxuu haleelay gaari booyad ah.

Dhanka kale kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa jidka u galay kolonyo kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwaasoo marayey meel wax yar u jirta degmada Marka.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo labada qarax iyo weliba khasaaraha ay dhaliyeen, welina ma jiro wax war ah oo ku saabsan weeraradaas oo kasoo baxay taliska AMISOM.

Gelinkii hore ee maanta qarax ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku geeriyoodey 4 qof oo saraakiil ciidamada Dowladda Federaalka ka tirsani ku jireen 12 kalena way ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM