Koonfur Galbeed oo ka jawaabtay cabashadii Axmed "Biif"

Image
Muuqaal uu soo duubay fannaanka hore ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshada.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xabsiga la dhigay labo qof oo lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen falal uu cabasho kasoo gubiyay fannaan hore Axmed Biif oo hadda ka baxay fanka, lana baxay Axmed Kheyr.

Xarigga ayaa yimid, kadib markii uu muuqaal cabasho ah soo duubay Axmed Cabdikariin Maxamed (Axmed Kheyr) oo sheegay in Hooyadiis oo ku sugan magaalada Baydhaba uu dhibaato ku hayo nin ay xaas u tahay.

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur, ayaa sheegay in ninkii hooyada Axmed Kheyr seygeeda ahaa iyo wiil kale oo dhallinyaro ah xabsiga loo taxaabay.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo dhammaan mas’uuliyiinta maamulkaas aysan marna aqbali doonin in qof sharaftiisa wax loo dhimo.

“Walaalkeen Axmed wuxuu ka codsaday Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiinta reer Koonfur Galbeed, in dadkii dhibka u geystay gacanta lagu soo dhigo, waxaan cadeynayaa raali kama noqon karno in sharafta qof Soomaaliyeed dhib loo geysto, waxaan idiin cadeynayaa in dadkii dhibka geystay ay xalay ku baryeen xabsiga,” ayuu yiri Wasiir Ilyaas.

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Adeerkii garaacaayey hooyada dhashay Axmed Kheyr iyo wiil Cabdiqani Maxamed la yiraahdo oo Video-ga ku jiray, waa lasoo qabtay, labadaas nin waa xiran yihiin taallaabo sharci ah ayaana laga qaaday.”

Wiilka lala xiray ninka odayga ah ayaa lagu tilmaamay inuu yahay qofkii muuqaalka ka duubay, xilliga loo gacan qaadayay hooyada dhashay Axmed Kheyr oo ku nool magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Muuqaalka uu soo duubay fannaanka hore Axmed Kheyr oo hadda wadaad ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshada, isagoo sheegaya inuu ciil iyo uur ku taallo la hoya waayey.

Sidoo kale muuqaalka laga soo duubay hooyada dhashay Axmed Kheyr ayaa muujinayey, iyadoo wiilkeeda ka codsaneysa inuu guri u dhiso, waxaana fariintaas ku qasbaayey inay soo gudbisay seygeeda oo codkiisa muuqaalka laga dhex maqlaayey isagoo leh “Ku dheh wiilkaaga halkaan – Baydhaba iiga dhis dheh guri.”

Muuqaalka uu soo duubay fannaanka hore oo hadda wadaad ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshada, isaga oo ku booriyay maamulka Koofur Galbeed in ay ku taageeraan wax ka qabashada arrintaan xanuunka ku hayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM