Kulan ka furmaya Garbahaarey iyo wufuud gaartey
Talaado, September 23, 2014 [GO]- Waxaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo wafdi isugu jira Siyaasiyiin iyo Hoggaamiyayaal dhaqan oo ka qeyb gali doona shirweynaha wadatashiga dadka degan gobolka Gedo oo dhawaan magaaladaas ka furmi doona.
Wafdiga waxaa kusoo dhaweeyay Garbahaareey mas'uuliyiinta gobolka iyo ururada bulshada rayidka ah, waxayna dadweynaha kula hadleen fagaare ku yaala bartamaha magaalada, iyaga oo tilmaamey in shirku uu noqon doono mid si wadajir ah dadku ugaga tashan doonaan aayahooda.
Guddoomiyaha Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe ayaa uga mahadceliyay xubnaha wafdiga safarka ay kusoo gaareen magaalo madaxda Gedo, wuxuuna dhinaca kale rajo ka muujiyay qabsoomidda shirka wadatashiga ah ee bulshada gobolka isugu imaan doonto.
Sheekh Maxamed Yuusuf (Aw-libaax )oo ku hadlay afka xubnaha wafdiga ayaa sheegay in ujeedka ay u tageen magaaladaasi uu yahay sidii midnimada dadka gobolka Gedo looga wada qeyb qaadan lahaa islamarkaana wadajir loogu wajihi lahaa ka qeyb qaadashada shirarka dib-u-heshiisiinta ee Kismaayo iyo dhamaystirka maamulka KMG ah ee Jubba.
Sidoo kale waxaa munaasabadda hadal ka jeediyey qaar kamid ah isimadii wafdiga la socday, waxayna dhammaantood carrabka ku adkeeyeen ahmiyadda uu shirku u leeyahay bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.
Wufuud kale oo isugu jirta xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, madax dhaqameed iyo ganacsato ayaa la filayaa in iyaguna ay maalinta berri ah magaalada Garbahaareey gaaraan.
GAROWE ONLINE