Kulankii Barlamaanka DF oo maalintii saddexaad fashil ku dhamaaday

Image

November 24, 2014 (GO)- Maalintii saddexaad waxaa fawdo kusoo dhamaaday fadhigii Barlamaanka Federaalka ee lagu qaybin lahaa mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Guddoonka baarlamaanka ayaa shaaciyey in kulanku xiran yahay kadib markii uu ku guuldareystey qaybinta mooshinka islamarkaana hoolka buuq iyo sawaxan fara badani hareeyey.

Dhanka kale waxaa jira warar madax banaan oo sheegaya in Guddoonka Barlamaanku si hoose mooshinka ugu qaybiyey xubnaha baarlamaanka ee taageersan mooshinka.

Xildhibaanno la hadlay GO oo codsaday inaan magacooda la shaacin ayaa sheegay inuu jiro walaac xoogan oo laga qabo in mooshinka si hoose lagu meel mariyo iyadoo la tixgelinayo codka hal dhinac oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka.

Mooshinka laga keenay xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiweli Sheekh oo ay dabada ka riixayaan Madaxweyne Xasan iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada wuxuu sabab u noqday in barlamaanku labo garab u kala jabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM