Kumanaan qof oo imtixaan u galaya shaqooyinka dowlada federaalka

Image
Imtixaanka Isniinta ayaa lagu galayaa 20 goobood oo dalka oo dhan, kuwaas oo 10 ka mid ah ay ku yaalaan Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wax ka badan 7 kun oo qof ayaa maalinta Isniinta ee todobaadkan u fariisanaya intixaamka shaqooyinka macalinimada dowladda federaalka, sidda ay shaacisay wasaaradda waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdiqaadir ayaa sheegay in 13 kun oo qof ay soo gudbiyeen codsiyadooda shaqo, balse heerka labaad ay usoo gudbeen 7 kun iyo xoogaa kadib markii dhawr kun oo qof ay buuxin waayeen shuruudihii la rabay.

Faarax ayaa xusay in dadka intooda badan ay ku hareen maadaamaa aysan soo gudbin shahaado jaamacadeed oo ahayd shuruudda koowaad, halka qaar kale ay la yimaadeen shahaadooyin been abuur ah, taasina lagu xaqiijiyay kadib markii ay dowladda la xiriirtay jaamacadihii dibedda ee ay sheegteen in ay kasoo baxeen.

Imtixaanka Isniinta ayaa lagu galayaa 20 goobood oo dalka oo dhan, kuwaas oo 10 ka mid ah ay ku yaalaan Muqdisho, kana mid tahay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kulyadeeda Gahayr.

Goobaha kale ayaa ku kala yaala min Kismaayo illaa Garoowe, iyada oo wasaaradda tacliinta federaalka ay ballanqaaday in intixaamka loo qaadi doono qaab caddaalad ah.

Waxa ay wasaaradda shaqaalaysiinaysaa 3 kun oo macalin oo mushaarkooda uu bixinayo Bangiga Adduunka, waana tiradii ugu badnayd oo shaqaale ah oo markaliya ay qaadato dowladda.

Sida ay xogaha sheegayaan, shaqaalahan ayaa mushaar ahaan qaadan doono lacag $600 doolar ah, halka maamuleyaasha ay qaadan doonaan lacag kun doolar ku dhow marka lagu daro lacagaha gunada ah ee ay helayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM