Laamaha amaanka oo bilaabay fulinta amar uu bixiyey Rooble

Image
Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa howlgallo ka bilaabay magaalada Muqdisho,

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo ku aadan fulinta amaradii kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha oo faray hay’adaha amniga in ay adkeeyaan ammaanka magaalada Muqdisho iyada dalka ay ka socdaan doorashada madaxweynaha.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda oo ka duulaya kulamadii ay Farmaajo iyo Rooble ay la yeesheen saraakiisha laamaha amniga ayaa howlgallo ka bilaabay magaalada Muqdisho, waxayna xalay ka sameeyeen gudaha degmada Howadaag ee gobolka Banaadir.

Taliye ku xigeenka qaybta Waliyow Cadde oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in ujeedka uu yahay u diyaar-garowga bisha Ramadaan iyo fulinta amarada madaxda dalka.

“Waxaan u diyaar-garoobeynaa inaan ammaanka caasimada sii bilowno, maadaama madaxdii ugu sarreysay ay amar baxsheen sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri taliye xigeenka qaybta Waliyow Cadde ee Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan saraakiisha ammaanka, si looga hortego falalka amni darrada ah.

Sarkaalka ayaa xusay in wax laga xumaado ay tahay in maalin kasto si arxan darro ah loo dilo dadka hal doorka u ah bulshada, sida Culimada, Ganacsatada & Siyaasiyiinta.

“Maalin kasta waxa la dilaayo waa hal doorka dadka, haddii ay Ganacsato yihiin, haddii ay Siyaasiyiin yihiin iyo haddii ay Culimo yihiin. Gacmo wadajir ayey wax ku qabtaan laamaha amniga kaligood waxba ma qaban karaan haddaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad aan gamaha la’is qabsan” ayuu sii raaciyey taliye xigeenku.

Xilka qaadis deg deg.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha ciidanka booliska, saddex maalin kadib weerarkii Shabaab ay ku galeen xerada Xalane, halkaas oo ay ku dileen ku dhowaaf 10 qof oo Ajaanib u badan.

Kulanka waxaa ka qeyb galay taliyaha booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, taliyaha ciidanka Haramcad Cabdi Xamiid Fanax, taliye qeybeedyada gobolkan iyo taliyayaasha saldhigyada magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka uu ahaa mid ka yimid dhanka Xijaar sida ay saraakiishu u sheegeen Garowe Online.

Xajiir ayaa ku canaantay saraakiisha dayaca ka jira amniga magaalada, isagoo tusaale u soo qaatay weeraradii u danbeeyay ee ka dhacay caasimadda iyo dhaca habeenkii kooxo burcad ah ay u geystaan dadka shacabka ah oo ay ka qaataan tilifoonada iyo Computerada ay wataan, iyadoo aan jirin dadaalo dheeri ah oo la xiriirta wax ka qabashada falalkaas.

Qaar kamida saraakiishii kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegay in taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed uu ku goodiyay xil ka qaadis iyo isku shaandheyn deg deg ah hadaan wax laga qaban amni darada, isagoo saraakiisha faray howlgalo joogto ah iyo inay joogteetaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Kulankan ayaa daba socday kulamo uu taliye Xijaar labadii maalin ee la soo dhaaftay uu la yeeshay madaxweynaha xilka ka dagay Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, iyadoo saraakiishana uu gaarsiiyay fariinta uu ka siday labada xafiis oo laftooda walaac ba’an ku heysa dayaca amni ee caasimadda xilli dalku doorashu ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM