Laftagareen iyo Guudlaawe oo la saftay Fahad Yaasiin Daahir

Image
Gacanta midig ee Farmaajo ayaa cadaadis kala kulmaya xukuumadda xilgaarsiinta ee Rooble.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Cali Guudlaawe Xuseen, hoggaamiyaasha Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa taageeray Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee NISA iyaga oo qaadacay talaabada liis xildhibaanada looga reebay Fahad iyo 3 kale oo la sheegay in aysan ku soo bixin tartan furan.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu yiri “maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada,Hirshabeelle waxay Guddiga SEIT si toos ah ugu gudbinayaan liiska rasmiga Xoghayeyaasha Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka”.

Hirshabeelle ayaa uga digtay gudiga FEIT “in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha wadatashiga qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka”.

Dhanka kale War-saxaafadeed ay baahisay madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aanka guddiga doorashooyinka heer federal iyo waxa ay ugu yeereen ‘musuqa baahsan ee ka dhex socda guddiga iyo kala qeybsanaanta ku timid.’

Qoraalkaan oo si gaar ah loogu eedeeyey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka federaalka Muuse Geelle waxaa lagu sheegay inuu bartilmaameedsanayo xubno laga soo doortay deegaan gaar ah.

“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa tallaabada uu qaaday Mudane Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale maamulkaas wuxuu sheegay in guddiga heer federal uu lumiyey kalsoonidii doorashada, isla markaana ay Koonfur Galbeed faylasha xildhibaanada ku wareejineyso xoghayeyaasha labada Aqal ee barlamaanka.

“Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS,” ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii qoraalkaan caawa ka soo baxay Koonfur Galbeed waxaa lagu yiri, “Koonfur Galbeed waxay xoojinaysaa in la dadajiyo dhaarinta iyo guda galka doorashooyinka, waxayna ka digeysaa tallaabooyinka lagu dheereysanayo muddo xileedka kaasoo ay ka shaqeynayaan qaar kamid ah xafiisyadii loo igmaday inay hawshan si hufan usoo gabagabeeyaan.”

Hadalka ka soo yeeray labada hoggaamiye ayaa ku soo aadayaa iyadoo habeen ka hor guddiga doorashooyinka heer federal ay soo saareen liiska xildhibaanada dooran, kaas oo laga reebay afar xubnood oo seddax kamid ah Koonfur Galbeed laga soo doortay, halka kursiga kale uu yahay kan Fahad Yaasin uu Beledweyne ka soo qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM