Lix siyaabood oo Bitcoin aad uga shaqeysan karto Soomaaliya
WASHINGTON, USA – Sababaha ugu waaweyn ee aysan Soomaaliya caan uga ahayn ugana shaqayn lacagta Bitcoin ayaa ah in aan loo isticmaali karin wax kala iibsi, maadaama aysan jirin ganacsato ama ganacsiyo qaata lacagtaan.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan dadka Soomaaliya ku nool ma helaan fursadaan ganacsi, sida uu daabacay website-ka itechpost.com. Mid ka mid ah doodaha ugu caansan ee ka soo horjeeda Bitcoin waa in ganacsatadu aysan aqbalin oo aan loo isticmaali karin lacag ahaan.
Shaki la'aan, waxaad ugu shaqeysan kartaa lacagtan sidii xayndaab ka dhan ah lacagaha maxalliga ah, kuwaasoo la sheego in ay yihiin kuwa si ballaaran ugu nugul qiimo-dhaca soo noq-noqda.
Sidoo kale waxay ka caawin kartaa isticmaalayaasha in ay ka fogaadaan dabagalka raasumaalka iyo caqabadaha kale ee sharci ee la xiriira lacagaha. Ugu dambeyntii, iyo tan ugu muhiimsan, waxaa loo qaadan karaa maalgashi ahaan.
Hadaba, waxaan eegaynaa oo Garowe Online uu kula wadaagayaa 6 siyaabood oo si maangal ah kaaga caawin kara in aad Bitcoin uga shaqaysato gudaha Soomaaliya.
Ku badalo xawaaladaha
Soomaaliya waxay leedahay adeegyo xawaaleed oo muhiim ah kuwaasoo shacabka ku xiran yihiin. Ku wareejinta ama ku dirista lacag adeeggan aad bay u fududahay, waxayna qaadataa qiyaastii 2-6 maalmood.
Hase ahaatee, isticmaalka Bitcoin waxay soo afjari kartaa maalmahan tiradda badan. Tani waxay ka dhigan tahay in ay ka deg-degsiimo badan tahay adeegyadda xawaaladaha.
Wax ka iibsiga online-ka
Ma jiro shabakad ku taal Soomaaliya oo aqbasha bitcoin, laakiin shabakado badan oo ka baxsan Soomaaliya ayaa qaata lacagtan qiimaheeda uu waqti xaadirkan aad uga qaalisan aduunka.
Tani waxay u ogolaaneysaa qofka Soomaaliya jooga inuu wax ka iibsado internet-ka isagoo isticmaalaya Bitcoin. Sidoo kale qofku wuxuu ka iibsan karaa meel ka baxsan Soomaaliya oo uu ku iibin karo gudaha dalka si uu macaash uga helo.
Kala iibsiga adeegyadda
Qaar ka mid ah mulkiilayaasha ganacsiyada yaryar waxay bilaabeen inay u aqbalaan Bitcoins-ka gaar ahaan marka macaamiisha ay ka iibsanayaan agabyadda ay beeciyaan. Dukaamada online-ka iyo shirkadaha martigelinta internet-ka waa tusaaleyaasha ugu wanaagsan.
Si kastaba ha ahaatee, faa'iidooyinka ku jira qaadashada Bitcoin ee Soomaaliya ayaa aad uga weyn marka loo eego waddamada horumaray, halkaas oo ay tahay ikhtiyaar kale. Soomaalida haysata Bitcoins uma baahna inay bangiga tagaan oo ay lacag 5% ah bixiyaan marka ay kala baxayaan.
Keydso adiga oo kharash bixin
Waxaa jira siyaabo badan oo loo isticmaalo Bitcoin adoon dhab ahaantii kharash garayn. Tusaale ahaan, waxaad xajin kartaa Bitcoin-kaaga oo aad u isticmaali kartaa maalgashi ahaan adigoo rajeynaya in qiimuhu uu kordho waqti ka dib.
Tani waxay hirgalaysaa waa haddii aad aaminsan tahay Bitcoin iyo timaadadda. Tusaale ahaan, marka loo eego Bangiga Adduunka, Soomaaliya waxay lahayd lacag ku dhow 100 milyan oo Doollarka Maraykanka ah sannadkii 2013-kii.
Kala wareejinta lacagaha caalamka
In lacag laga soo xawilo dal kale waa hawl gaabis ah. Inta badan waxay qaadataa 3-5 maalmood in lacagta Soomaaliya looga xawilo waddan kale. Tusaale ahaan, waxay qaadatay hal maalin inay Kenya isticmaasho bangiyadda maxaliga ah.
Kala iibsiga ganacsiga caalamiga ah
Bitcoin waxay meesha ka saareysaa dhammaan caqabadaha ganacsiga iyadoo u oggolaanaysa isticmaalyaasheeda inay u soo diraan qaddar kasta oo lacag ah meel kasta oo adduunka ah wakhti kasta. Ma laha khidmad ama tiro cayiman.
Kuma xirna sarifka lacagta dalkaaga, maamul kastaa ma xannibo, mana jiraan wax shuruudo ah ama xad aan sabab lahayn. Tani waa fursad dahabi ah oo ganacsatadda Soomaaliyeed ay maalgashi macaashkiisa muuqdo ku sameyn karaan.
GAROWE ONLINE