Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Image

(GO)- Kulankii qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka ee ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho 7-da May 2025 ayaa waxa uu noqday mid muran siyaasadeed ka dhex abuuray saaxada Soomaaliya, gaar ahaan qodob ka mid ah warmurtiyeedka shirka oo si weyn u shaki galiyey jiritaanka maamulka Jubaland.

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ay keento talo iyo soo jeedin xaalada Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, si loo helo nidaam dawlad goboleed oo sharci.”

Qodobkan ayaa si cad calaamad su’aal saaray jiritaanka Jubaland, taasoo abuuraysa tuhun xoog leh oo ku saabsan in Villa Somalia ay raadineyso inay si farsameysan uga dhinac abuurto maamulo kale Jubaland dhexdeeda. 

Waxaa xusid mudan in madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ee kulanka Muqdisho ka qeyb galay ay dhammaantood ku fadhiyeen muddo kordhin sharci darro ah oo ay Villa Somalia siisey. Muddo kordhintaas ayaa timid kadib markii madaxweynaha Jubaland, bishii October 2024, si adag u diiday qaadashada muddo kordhin sharci darro ah, isagoo qabtay doorasho cusub oo waafaqsan dastuurka maamulkaas.

 Tallaabada Jubaland oo si cad u muujisay rabitaankeeda, ayaa keentay in Villa Somalia ku tilmaanto “mid sharci darro ah.”, iyagoo iska indho tiraya awoodaha maamul goboleedyada ee daatuurku siiyey. 

Waxaa si gaar ah indhaha loogu hayay maamulka SSC-Khaatumo oo shirka Muqdisho loogu aqoonsaday inuu yahay maamul xubinta ka ah dowladda Federaalka. Hogaamiyaha Khaatumo ayaa qeyb ka noqday saxiixa qodobka lixaad ee warmurtiyeedka, kaasoo si maldahan loogu sheegey inuusan jirin maamulka Jubaland. 

Saxaafadda iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa is weydiinaya sababta keentey in maamulka SSC-Khaatumo uga qeyb galay qorshe siyaasadeed  si muuqata uga dhan ah jiritaanka maamul goboleedka Jubaland. 

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa si cad uga soo horjeesatay go’aannadii ka soo baxay shirka Muqdisho. Qoraal rasmi ah oo ay ku daabacday barta rasmiga ah ee X (hore loo yiqiin Twitter) ayaa lagu yiri: "Dhamaan dhinacyada ay khuseyso waa inay ka qayb qaataan isbeddelada nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go’aanno la qaato iyada oo aan taageero ballaaran laga helin dhamaan dhinacyada Soomaaliya waxay noqon doonaan kuwa aan sharciyad lahayn isla markaana carqalad ku noqda caqabadaha amniga ee taagan.”

Qoraalkan ayaa muujinaya in Mareykanka uu si cad u saluugay qaabka go’aannadaasi loo gaaray iyo in aan la tixgelin aragtiyada dhinacyada muhiimka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland oo gabi ahaanba ka maqnaa shirka.

Kulankan Muqdisho ayaa ahaa mid si weyn loogu tala galay in lagu sharciyeeyo faragalinta Villa Somalia ee nidaamka federaalka iyo doorashooyinka, iyadoo aan la tixgelin rabitaanka maamulada xubinta ka ah. Sida muuqata, qodobada ka soo baxay kulankaasi waxay muujinayaan qorshe lagu wiiqayo madax-banaanida maamul goboleedyada, taasoo sii xoojineysa xiisada siyaasadeed ee dalka.

Siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah waxay is weydiinayaan sida dowlad goboleedyo muddo kordhin sharci darro ah ku yimid ay u saxiixaan go’aanno saameyn ku leh nidaamka federaalka iyo midnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM