Madax kala duwan oo cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ee Liido
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweyne-yaashii hore ee dalka, madaxweynaha Puntland iyo madax kale oo cambaareeyey weerarkii Al Shabaab ku qaaday Xeebta Liido, ayaa tacsi u diray ehelka iyo qaraabada dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkaan ismiidaaminta.
Qoraal lagu daabacay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo “Muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah”.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7 aad ee Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay weerarkaan, ayaa sheegay in “ficilada gurracan ee argagixisadu in aanay diin shaqo ku laheyn”.
Shariif oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray: "Waxaan mar kale ku celinayaa baaqeena ku aaddan in la adkeeyo amaanka guud , gaar ahaan caasimadda Muqdisho maadaama lagu jiro xilliga dhameystirka doorashada hoggaanka dalka, waan in laga hortagaa lagana feejignaadaa isku dayada argagixisada ku khal khal galinayaan amaanka".
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkaan “ fulaynimada ah” ayaa Muwaadiniinta ku dhaawacmay iyo kuwa dhibaatadu ka soo gaartayba Allah uga baryay in ay si degdeg ah u caafimaadaan”.
“Waxa aan dhammaan madaxda iyo howl-wadeenada amniga dalka iyo dadka ku dhiirrigelinayaa in si feejigan loo dhowro amniga iyo xasiloonida dalka gaar ahaan xilligan uu dalku marayo marxalad kala guur ah kuna jiro doorasho” ayuu yiri Xasan Sheekh hoggaamiyaha xisbiga UPD.
Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland iyo musharax madaxweyne ee Soomaaliya ayaa sheegay in “Weerarada noocan oo kale ah ee lala beegsanayo dad aan waxba galabsan oo afuraya, ay muujinayaan sida cadowgu u gummaadayo Bulshadeena”.
Siciid Deni oo ku taliyay “in la adkeeyo amniga Guud ahaan dalka, gaar ahaan caasimada, si looga feejignaado weerarada noocan oo kale ah iyo wax walbo oo khalkhalgelin kara xasiloonida dalka” ayaa Allah u waydiiyay naxariis dadkii ku geeriyooday iyo in uu caafimaad siiyo kuwa dhaawaca ah”.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uu u tacsiyaynaya "Dhamaan shacabkii iyo masuuliyiinta katirsanaa hey’addaha amniga ee ku geeriyooday qarixii caawa fiidkii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Waxaan sidoo kale Ilaahay caafimaad deg-deg ah u weydiinayaa dhamaan dadka dhaawaca ama waxyeelooyinka kale ay kasoo gaareen qaraxa".
Khayre ayaa hadalkiisa ku daray “In dhiig qof muslim ah la daadiyo iyada oo lagu jiro tobankii danbe ee bisha barakeysan ee Ramadaan, waxa ay muujineysaa sida kooxaha nabad-diidka ah ay uga fogyihiin diinta xaqqa ah ee Rabi, waxeyna tilmaameysaa arxan-darida kooxahaas ka fog ku dhaqanka diinta iyo garashada insaanimo”.
Musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa hadalkiisa ku soo xiray “Hey’ addaha amniga ee dalka, waxaan ugu baaqayaa inay masuuliyad dheeri ah iska saaraan amniga dalka iyo goobaha bar-tilmaameedka noqon kara, xiligan xasaasiga ah ee dalka ay ka socoto doorashadda Madaxtinimo. Waxaana ugu baaqayaa inay ka dheeraadaan ku dhex-milanka siyaasadda maalinlaha ah iyo ololaha doorashooyinka, ayna xooggooda iyo waqtigooda galiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee sugitaanka amniga muwaadiniinta soomaaliyeed”.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo cambaareeyay weerarkaan ayaa cadeeyay “Argagaxisadu ma xurmayn dhiiga Muslinka, kamana filaynin in ay xurmeeyaan bisha barakaysan ee Ramadaan iyo tobankeeda dambe”.
Warsame ayaa hadalkiisa ku daray “Dalku wuxuu ku jiraa xaalad kala guur ah, waxaana ugu baaqayaa in ay masuuliyiinta hay’adaha amniga la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si looga hor tago weerarrada ay maleegayaan kooxaha argagaxisada ah.
Weerarkaan oo goordambe oo Jimcihii ah ka dhacay Xeebta Liido waxaa ku dhintay 6 qof oo ay jiraan saraakiil waxaana sheegtay Ururka Al Shabaab. Kooxda hubeysan ayaa dagaal kula jirta dowladda dhexe in ka badan toban sano.
GAROWE ONLINE