Madaxii amniga Doorashada Soomaaliya oo shaqada laga joojiyey

Image
General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), oo sidoo kale ahaa taliyaha booliska, ayaa lagu eedeeyay in uu ku milmay siyaasadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shegay inuu shaqada ka joojiyay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii Xijaar uu "si bareeer ah iskugu dayay inuu hor is-taago doorashada guddoonka Golaha Shacabka" sida uu ku sheegay bayaan uu goor dhaweyd soo saaray wasiirku.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay taliya ciidamada inuu "si bareer ah ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka" waa sida ku xusan warqadda xilka qaadista taliyaha ee kasoo baxday wasiirka.

Wuxuu intaas ku daray in uu xilka si ku-meelgaar ah ugu magacaay taliye ku xigeenka booliska,isaga sheegay inuu farayo saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsuggida inaysan ku milmin siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Ilaa hadda General Xijaar kama hadlin xilka qaadista lagu sameeyay. Taliyaha ciidanka booliiska oo ah madaxa amniga doorashada ayaa lagu eedeeyay in uu si weyn ugu milmay khilaafaadka siyaasiga ah.

Saacado kahor shaqo ka joojintiisa ayuu warbaahinta ka sheegay: "Booliiska ma qaadi karo mas'uuliyadda kulanka baarlamaanka ee loo qorsheeyay berri maadaama aanan helin wax ka mid ah liisaska iyo xogta lagama maarmaanka ah ilaa hadda. Waxaanu ku talinaynaa in dib loo dhigo fadhiga ilaa diyaar garow ku filan laga helayo".

Dhawaqan ayuu kasoo yeeray xilli daqiiqado kahor uu caddeeyay in uu sugayo ammaanka doorashada. Hadaladiisa waxay yimaadeen xilli uu taagan yahay muranka xildhibaanada laga soo doortey Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM