Madaxwaynaha Dowladda Federaalka oo tagay Baraawe

Image
Image
Image
Image

October 11, 2014 (GO)- Madaxwaynaha dowladda Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa socdaal aan horay loo shaacin ku tagay maanta oo Sabti ah degmada Baraawe oo ka tirsan Gobalka Shabeelada hoose.

Wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa ayaa u raacay degmada Baraawe halkaaso ciidanka AMISOM  iyo kuwo DF  adkeeyeen ammaanka wadooyinka.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la kulmay qaar ka mid ah Odayaasha iyo masuuliyiinta Baraawe wuxuna kala hadlay xaalada iyo ka bixitaankii kooxda Al-Shabab ka dib waxay dareemayaan.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo dagaal xoogan kula jira kooxda Al-Shabab.

Odayaasha ayaa ka codsaday in laga caawiyo addeegyadda waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.

Wararka kasoo baxaya kooxda Al-Shabab ayaa sheegaya inay qal-qaliyeen diyaaradii siday madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud inkastoo markii danbe madaxwayne Xasan Shiikh uu si nabadgalyo ah ku tagay.

Magalada Baraawe ayaa 6-sano gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabab hase yeeshee todobaadkii hore ayay si nabadgalyo ah isaga baxeen dagaal yahanadda kooxdu, balse socdaalka Xasan Shiikh ayaa noqoya kii ugu horeeyay 23-sano ka dib uu madaxwayne Soomaaliyeed ku tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in xiriir kala dhexeeyo Israel

Soomaaliya iyo Israel ma laha xiriir diblomaasiyadeed. Soomaaliya waa dal Muslim ah isla markaana xubin ka ah Ururka Carabta.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 12:38PM

Lafta-Gareen oo Soo Rogay Canshuur Shaqsiyeed Iyadoo jiraan Amni-darro iyo Shaqo La’aan

Doorashadii Lafta-Gareen ee December 2028 ayaa u dhacda si aan xor iyo xalaal ahayn, oo rabshado ka dhaceen Baydhabo.

  • Soomaliya

    13-12-2025

  • 08:02AM