Madaxwayne Xasan Sheekh oo codsi u gudbiyey Qaramada Midoobay

Image
Madaxweynaha ayaa dalabkan hor-dhigay xogahayah UN-ka, António Guterres, oo Muqdisho soo gaarey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa António Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Talaadada maanta ah waxa uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay madaarka kadibna usii galbiyey Madaxtooyadda halkaasoo uu kula kulmay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen ayay uga hadleen arrimo ay kamid yihiin dowlad-dhiska, dagaalka Al-Shabaab, iyo gurmadka bini’aadantinimada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay "guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta".

Sidoo kale, wuxuu dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

Qaramada Midoobay ayuu ka dalbaday in ay Soomaaliya ka gacan-siiso sidii looga qaadi lahaa xayiraadda hubka "si shacabka Soomaaliyeed isaga dul-qaadaan cadowga Khawaariijta Al-Shabaab".

Dhankiisa, Guterres ayaa waxa uu tibaaxay in Beesha Caalamka ay tahay in ay indhaha kusoo eegaan Soomaaliya gaar ahaan wax ka qabashadda abaaraha iyo saameynta isbadalka cimiladda.

"Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go'an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM